“Madaxweyne Waxa Kula Gudboon Inaad Dib U Soo Celiso Midnimadii, Isku Duubnidii Iyo Wada Jirkii Umadda Ee Raadkii Doorashadu Baabi’isay

66
3929

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Deegaanka iyo Khayraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa Madaxweynaha u soo jeediyey talooyin ku waajahan xaalada uu dalku marayo.

Guddoomiyaha Guddida Deegaanka iyo Khayraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay saadaasha hawada iyo roobab ku soo waajahan gobalada bari ee dalka wuxuu yidhi  “Sadaasha Caalamiga ah iyo Saadasha Gobolku waxay soo saareen ayaa sheegay in Roobab dabaylo wataa ay ka di’I doonaan Gobolada Sool iyo Sanaag, Xukuumadda ayaana laga rabaa inay ka sii diyaar-gawdo, arimahaas sadaasha, iyada oo tixraacaysa sadaasha la sheegayo, isla markaana diyaariso gargaarkii deg dega ahaa, rashiinkii iyo wax kasta oo daruuriya, inkasta oo tii ALLENA maqan tahay”.

Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey Shaybaadhka Shidaalka ee Dawladdu la wareegtay ayaa yidhi “In Hantida umaddu leedahay gacanta Dawladda in dib loogu soo celiy waa mid muhiim ah, laakiin wixii heshiis sharci ku jiray, in sideeda loo eego ayaa muhiim ah, in Shirkaddaha ama Shacabka   la ilaaliyo oo aan lagu tacadiyin  ayaa muhiim ah,  ee wixii ay kharash galiyeen in dib loogu celiyo,  waa sharciyan, haddii ay Dawladdu la noqonayso, laakiin muhiimada ayaa ah in Hantidii Qaranka ay Dawladda u soo noqoto, Madaxweyne haddi si siman loo wadin ka daba tago hantida qaranka, waa cadaalad daro, ee ka wada daba tag Madaxweyne hantida umadda ee la lunsaday, oo dib ugu soo celi gacanta Dawladda,  Madaxweyne waan kugu bogaadinayaa in hantida qaranka dawaldda dib ugu soo celiso, balse ka daba taga dhammaan hantida umadda ee la leexsaday, oo gacanta Dawladda dib ugu soo celi Warshadii Korontada ee Hargeysa, waliba cid gaar ahna ha eegin, ee si cadaalada ah u eeg, oo waliba kuwa aad is xigtaan kaga soo bilaw, si aanay sumad kale u yeelan hantida Qaranka ee aad Umadda u soo celinayso”.

Mar uu Madaxweynaha u diray talooyin ku saabsan raadkii ay Doorashada ku tagtay ayaa yidhi “Xaalada Siyaasada iyo Xaalada dhaqaale oo adag baynu ku jirnaa, balse waxa muhiim ah midnimadeena iyo isku tiirsanaanteena, in sidii loo soo celin lahaa laga tashado, Madaxweynuhu wuxuu la shiray Saddexda Xisbi Qaran, Raadkii ay Doorashadu ka tagtay midnimadii Shacabka ayey baa’baysay ee Madaxweyne waxaa kula gudboon inaad dib u soo celiso midnimadii, isku duubnidii  iyo wada jirkii umadda ee raadkii Doorashadii baabiisay, waxaan kale oo aan Madaxweyne ku leeyahay arinta Sanaag haddii aynaan u talo badsan,oo ay noqoto maalinba hebel waa sidan iyo hebel waa sidan, waa dhibaato, Caare wuxuu haystaa waa Inamadeenii,ee Madaxweyne arintan aynu runta ka sheegno, oo aynu runta ku xalino, ee Madaxweyne arintan Gobolka Sanaag il dhaw ku eeg, oo u talo badso oo wixii tabasho ah ee jira si wada jira ah aynu u xalino.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here