Madaxweyne Muuse Biixi Oo Loo Dhaariyay Xilka Qaranka Iyo Nuxurka Khudbadii Uu Jeediyay

Published on Dec 14 2017 // Warar

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilka loo dhaariyay.

Xafladda dhaarinta Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxman Saylici waxaa ka qayb gelay wufuud ka kala timid dalalka jaarka ah ee Bariga Afrika.

Wafdi ka socda jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ah wafdiga ugu ballaadhan oo dhan 38 ruux, waxaana hogaaminaya wasiirka difaaca Cali Xasan Bahdoon. Sidoo kale weftiga dalka Itoobiya waxa hoggaaminayay wasiirka gaadiidka Itoobiya Axmed Shide, waxaana ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdixakiim Cigaal Cumar, oo ay ku jiraan madax dhaqameedyo waaweyn oo uu ka mid yahay Ugaas Musdafe Maxamed Ibraahim oo ah ugaaska guud ee beesha Ciise.

Waxaa kaloo xafladda ka qayb gelaya shakhsiyaad Soomaaliyeed oo caan ah sida Bile Rafle guuleed oo sanadihii todobaatameeyadii badhasaab ka ahaan jiray gobolka togdheer iyo gobolkii woqooyi galbeed oo wax weyn ka qabtay naqashadeynta iyo jidadka magaalooyinka Hargeysa iyo burco, waxaa kale oo dadka magaca leh ka mid ah abwaanka wayn ee caanka ku ah xagga kitaarka Maxamuud Ismaaciil Xudeydi, labadooduba waxay ka yimaadeen Qaaradda Yurub. Sidoo kale madaxweyne Rayaale, iyo madaxweyne-xigeenadii dalka soo maray ayaa iyaguna madasha joogay.

Waxaa xafladdan xilwareejinta ee madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu xilka ku wareejinayo Shalay madaxweynaha cusub ee la doortay Muuse Biixi Cabdi ka mid ah wufuudda joogta wafdi ka socda urur goboleedka bariga afrika ee IGAD iyo danjireyaal reer Galbeed ah oo qaarkood fadhigoodu yahay Nairobi.

Dad gaadhaya 1500 qof ayaa xafladda lagu martiqaaday oo reer Somaliland u badan uuna ka mid yahay madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

Jidadka soo gala madaxtooyada oo xafladu ka dhaceyso hool weynna laga dhex sameeyay ayaa la xidhay iyadoo ciidammada ammaanku aad u xoojiyeen nabadgelyada.

Khudbadii Muuse Biixi

Madaxweyne Biixi, wuxuu jeediyay khudbad aad u dheer oo aanu waraaq ka akhriyin taas oo dhinacyo badnayd.

Aragtida Xilka loo doortay

Maanta aniga oo bulshada intaas leeg hortaagan waxaan dareemayaa culayska iyo miisaanka uu leeyahay xilkan lay dhaariyay ee Somaliland, waxaan xasuusanayaa waxii loo soo maray kuwii u dhintay ee naftooda u huray, kuwii ku dhaawacmay,kuwii maalkooda u huray, kuwa ku agoomoobay iyo kuwa ku goblamay ee maanta nool sharaftaas iyo maamuuskaas laynugu qadarinayaa waa dhiigii Somaliland loo soo huray taariikh ahaan marka laga soo bilaabo Daraawiish ilaa SNM, Somaliland waxay leedahay taariikh dheer oo mar walba ay gobonimada u dagaalantay haduu gumaysi yahay iyo haduu maamul xun oo qabsadayba uu yahay.

waxaan idiin balanqaadayaa aniga oo taariikhdaas og inaan idiin hogaamiyo sida ay idiin soo hogaamiyeen Cabdiraxmaan Maxamuud Cali,Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal,Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Siilaanyo oo ugu danbeeyay, wadadii Somaliland

qaranimadeeda,dhiskeeda iyo horumarkeeda ayaan ahayn doonaa oo aan insha allaahu shan sano ka bacdi iyada oo sidaas u dhisan cidii loo doorto aan u dhiibi doonaa, taasi waa sune Somaliland ka dhaxeeya.

Doorashada iyo Xanafteedii

Waxaan diyaar u ahay oo aan talaabooyinkeediina qaaday hadana aan wadaa wax alle iyo waxii doorashadii xanaf ka dhacay inaan bogsiiyo oo waliba aniga laygu jiifsado oo xisbiga Kulmiye lagu jiifsado, oo walaaladayada wax tirsanaaya aanu qaboojino, iyagana waxa laga rabaa walaaladayada wax tirsanayaa inay garqaataan inay gogosha soo fadhiistaan, waxbaan kaa tirsanayaa kuu soo fadhiisan maayo, waxbaan kaa tirsanayaa garqaadan maayo, waad dhantihiin odayaal iyo madaxdhaqameed-bee miyay ina qabataa, diyaar ayaanu u nahay inan goob walba ugu tagno, waa u tagnay oo xaruntooda ayaanu ugu tagnay, waanu wada shirnay madax dhaqameedkooda waanu heshiinay waxii ay igu amreena waan qaatay waana la arki doonaa, aniga oo waliba ogol dadkii foodka badan iyo guusha keenay inaan ku jiifsado iyaguna ay dul qaataan, waxaanu ka sugaynaa walaaladayo inay garqaataan.

Tilmaamaha Xukuumada La Sugaayo

Waxa nalaga sugayaa inaanu dawlad cusub soo dhisno dawladaas waxaan doonayaa inaan dhawr qodob ka taabto mabaadiida ay ku shaqayn doonto,xilku maaha meel uu qof ku badhaadho oo uu ka taajiro oo uu dantiisa ku qabsado noqon mayso,waxaan balan idiinku qaadayaa qof kasta oo xil qabta oo golaha wasiirada ama haayadaha kale ka mid ah hawsha loo dhiibo in lagula xisaabtamo wakhti iyo maal waxii loo dhibaba, waxaanu idiin balan qaadaynaa inta qof aadame ah uu awoodi karo inaanu idiin balan qaadno sinaan iyo cadaalad  oo aanu dalka iyo dadkaba u sinaano, dawlada aanu dhisanaynaa waxa ay dadku ku kal sarayn karaan xilka madaxweyne,wasiir iyo agaasime, janan iyo kabtan iyo sida ay u kala sareeyaan laakiin sharciga loo siman yahay meel kasta oo aad joogto.

Dhanka Horumarka

Beesha caalamka waanu u mahadnaqaynaa waxii hore ee ay na soo tareen, waxaanu se u sheegaynaa hadaanu Somaliland nahay in aanan ku faraxsanayan in nala caawiyo ee hamigayaga iyo fikradayadu ay ahayd inaanu anagu wax caawino, hadaanu Somaliland nahay waxaanu arkaynaa dadkii aanu isku midka ahayn ee ama aanu ka aqoon roonayan ama aanu ka itaalka roonayan 1960-kii markii aanu xoriyada qaadanay ee aanu isku nidamka ahayn oo ay ka mid tahay Kiiniya,tansaaniya, Ugandha,Singabuur, Malaysiya iyo koonfurta Kuuriya isku itaal ayaynu ahayn markii xoriyada la qaatay, maanta dhamaantood waa ay ina caawiyaan waxaanay inoo arkaan dad aan waxba qabsan karayn, waxaanu leenahay waxay dhibaatadaasi naga soo gaadhay midnimadii aanu raacnay Somaliya, waxaana marageedu yahay 22-tankaas sanadood ee aan naga nala ictiraafin, iyagana alle ha ka saaree ay masiibadu ka jirtay sidaanu u kala duwanahay ayaanu u kala duwanayan markaas, waxaan qabaa haday maalintaas Somaliland kaligeed dhaqaaqi lahayd inay ka mid noqon lahayd dawladaha deeqda bixiya ee la majiirto oo aynaan halkaas joognee, muwaadiniinta Somaliland waxaan ka doonayaa inay sidaas u fikiraan in aanay odhan marka ay

sheekaysanayaan cidi nagama wanaagsana bal Xamar waxa ka dhacaaya eeg, waxa aynu nahay dalka sadexaad ee ugu fiqiirsan hadaynu Somaliland nahay, waxa inaga hooseeya Maali iyo Koongo oo kaliyaata, maaha in aynu is mahadino waa in aynu nidhaahnaa Kuuriya,Malaysiya iyo Sangabuur oo inaga liitay halkay gaadheen, lixdankii sanadood ee lumay inaan ka daba tagno ayaynu u baahanahay, uma baahnin in aynu qaylno oo aynu isku sheekayno, taas ayaanu idinku hogaamin doonaa insha allaah shanta sanadood ee soo socda.

Caalamka waxaanu u sheegaynaa waxaanu qabsano uun baad wax noogu dari doontaan ee gacan madhan ma soo fidinayno, waxaanu u sheegaynaa safiirada halkaas fadhiya ee dawladaha Yurub ka yimi iyo caalamka oo dhan hadaanu Somaliland nahay dakhligayaga yar  ee aanay cidina naga caawin, waxaanu ku ilaalinaa 780-Km oo bad ah maanta aduunka waynu ognahay waxa ka socda ee dagaalo ah 780-km oo aan wado lahayn oo xeeb ah oo buuralay ah oo aad is odhanayso waa meel ay joogaan dadka fadqaladada wadaa aanay cidna naga caawin oo xoogayaga iyo  dadkayaga shicibka ah ay wada ilaaliyaan taas amaankeeda anaga ayaa ku fadhina oo waa kow, waxa nagula fadhiya dalalka jaarka ah ee ay Jabuuti ka midka tahay ee ay Itoobiya ka mid tahay,Kiiniya iyo caalamka oo dhan ilaa Maraykan gaadhsii, waxaanu leenahay waxii aanu itaal lahayn waxaanu ku bixinaa nabadgalyada, waxay ka go’antahay tacliintayada,waxay ka go’antahay dhakhtarkayaga, waxay ka go’antahay jidadkayaga, waxay ka go’natahay horumarkayaga  caalamka waxaanu xaq ugu leenahay inay nagu abaal mariyaan oo ay Somaliland aqoonsadaan waxay tahay, waayo anaguba waxbaanu tarnaaye waa in caalamku uu wax nataro.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!