Madaxweyne Muuse Biixi: Ma Addis Ababa Ayuu Socdaalkiisa U Horeeya Ku Tagi Doonaa Mise Djibouti?

46
2419

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa la filayaa in marka uu dhammaystiro dhismaha xukuumadiisa uu safar ugu baxdo dibadda, gaar ahaan dalalka xidhiidhka dhow iyo wada shaqaynta la leh Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Biixi, oo la filayo inay soo gaadheen martiqaadyo ay u soo direen dalalka Somaliland xidhiidhka dhow la leh oo ay kaga codsanayaan inuu dalkooda ku tago booqashada ugu horeeysa ayaan la garanayn dalka uu socdaalka u horeeya ku tagi doono. Dadka siyaasadda dibadda ee Somaliland faalleeya ayaa aaminsan in Madaxweyne Muuse Biixi uu safarkiisa u horeeya ku tagi doono dalalka jaarka, gaar ahaan laba wadan midkood, kuwaas oo kala ah Itoobiya ama Djibouti. Waxa la  aaminsanyahay inay labaduba u soo direen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi martiqaadiyo rasmi ah.

Laakiin socdaalka u horeeya ee Madaxweyne Muuse Biixi iyo dalka uu ku tagaaba waxay ku xidhanyihiin sida uu uga shaqeeyo wasiirkiisa arrimaha dibadda, waxase uu safarkaasi noqon doonaa mid muujin doona itijaaha siyaasadeed ee madaxweynaha.

Madaxweyne Siilaanyo socdaalkiisii u horeeyay markii la doortay 2010 wuxuu ku tagay dalka Djibouti, waxaana madaarka ku qaabilay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele. Socdaalkiisii labaad wuxuu ku tagay dalka Itoobiya, waxaana madaarka ku qaabilay raysalwasaare-xigeenkii wakhtigaas oo hadda ah raysalwasaaraha Itoobiya Hailamariam Desalegn.

Haddaba, waxa la eegi doonaa oo ay dadka xidhiidhka caalamiga ah falanqeeyaa isha ku hayaan dalka uu Madaxweyne Biixi ku tagi doono socdaalkiisa u horreeya, gaar ahaan in uu go’aansan doono in uu mari doono jidka labadii madaxweyne ee ka horreeyey, mudane Rayaale iyo Mudane Siilaanyo oo labaduba ka bilaabay dalka Jabbuuti iyo in uu ka baydhi doono oo uu ka bilaabi doono dalka Itoobiya, labada tii uu yeelaabana waxa ay ibo fur u noqon doontaa nooca xidhiidh ee ay Somaliland la yeelan doonto dalkaas .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here