Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Oo Talooyin U Soo Jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Biixi

50
3298

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa talooyin u soo jeediyey Xukuumadda Muuse Biixi, waxaanu ku taliyey inay xooga saarto sidii dalka wax looga soo saari lahaa, sicir bararka iyo maceeshadana wax looga qaban lahaa.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq nabadeed u diray labada Beelood ee dagaalku ku dhexmaray Gobolka Sool, waxaanu ugu horeyn yidhi “Wadan kasta oo jira wuxuu leeyahay lacag, waxaanu wadankaas iyo umadda ku dhaqanba muhiimada iyo ahmiyada kowaad siisaa waa lacagtooda ama shilinkooda, halka inaga bulshadeenu shilinkeena aanay ahmiyada siinin, sidaas oo ay tahay waxaan anigu guud ahaan Shacabka ku boorin lahaa inay ahmiyada iyo muhiimada kowaad siiyaan isticmaalka shilinkooda, haddii kale oo aanay isticmaalin oo lacag aanay iyagu lahayn ka doorbidaan waxa run ah in lacagteenu sidaas ay imika tahay ka sii darayso, oo cid lacagta isticmaasha la waayi doono, Dawladdana waxaan kula talinayaa inay la timaado qorshe ay qiimaha sarifka ee qaaliga ah meesha kaga saarayso, iyo sidii ay u xoojin lahayd isticmaalka lacagteena”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu ka hadlaayey maceeshada ayaa yidhi “Ugu horeyn waan soo dhaweeynayaa qorshaha ah in dalka wax laga soo saaro, ta kale Dawladda waxaan ku boorinayaa inay awood dheeraad ah siiso sidii baddaha wax loogala soo bixi lahaa, waa meesha aynu mustaqbalka ku badbaadayno, xagga nololeed iyo kobcinta dhaqaalaheena, lacagtii adkayd ee xoolaha nolol inaga soo gali jirtayna bedel bay u noqonaysaa, ta kale waxaan soo jeedin lahaa in lala yimaado qorshe aynu xal ugu helno abaaraha soo noqnoqda, in badan oo horena waan ka hadlay, ee waa in la keena qorshe lagu joojinayo biyaha roobka ee badda gala, si aynu u helno biyo kayd ah oo aynu ka faa’iidaysano, ta kale waa in Gobol kasta oo Somaliland ah laga qodaa dhaam, si dhaamkaasina aynu uga faa’iidaysano”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore mar uu baaq nabadeed u diraayey labada Beelood ee dagaalku dhexmaray ayaa yidhi “ALLE ha u naxariisto dadka dhintay, dadka dhaawacana ha caafiyo, ee labada beelood, waxaan leeyahay walaalo ayaad tihiin, waad is dhasheen, isku deegaan baad tihiin, idinka ayaa cid iskugu xiga, ee dagaalka dhiigu ku daadinayo waa dambi iyo xaaran ee joojiya, oo ALLE u soo noqda, oo toobad keena, oo wax walba wada hadal ku xaliya”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here