Madaxweyne Biixi Oo Sheegay Inaanu Saldhiga UAE Ee Berbera Saamayn Ku Yeelan Doonin Ammaanka Dalalka Jaarka

21
2650

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in ilaalinta nabadgelyada iyo ammaanka gobalku ay ka mid tahay qodobadiisa ugu muhiimsan ee uu dejistay.

Madaxweyne Biixi oo intii uu Addis Ababa joogay u waramay telefishanka CGTN qaybtiisa Afrika, wuxuu sheegay in heshiiska ay wada galeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ee saldhiga milatari ee Berbera aanu saamayn ku yeelan doonin ammaanka dalalka jaarka. Madaxweynaha oo la weydiiyay qodobada uu ahmiyada siinayo maadaama oo dhawaan la doortay, wuxuu yidhi “Ahmiyadayda koowaad waa nabadgelyada iyo degenaanshaha. Waxaanu ku naalaa gobal qas badan, xoogag badan ayaan gobalka Geeska Afrika ka jira, sidaas daraadeed ahmiyadayda koowaad waa ammaanka iyo degenaanshaha dalka, markaad ammaan hesho waxaad abuuri kartaa horumar, markaas ahmiyadayda koowaad waa ammaanka.”

Madaxweynaha oo la weydiiyay waxyaabaha uu kala hadlay madaxda Itoobiya iyo weliba sababta uu safarkiisii labaad ugu tagay Addis Ababa, wuxuu yidhi, “Sidaad ogtahay, Itoobiya waa cududa gobalka, dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo milatari ahaanba, waana dal aan deked lahayn, waxaanan doonaynaa inaanu u noqono Itoobiya kadin ay alaabtu u soo marto, kadino badan ayay Itoobiya leedahay oo waa dal balaadhan sida dekedaha kale ee gobalka ee Mombasa oo Kenya ah, Djibouti, Sudan iyo weliba Ereteriya marka ay nabadi timaado, markaas waxaanu doonaynaa inaanu qaybtayada ka helno oo aanu ka mid noqono kadinadaas. Marka labaadna gobalku waa gobal qas ka jiro, xiisado badan badan ayaan ka jira gobalkan Geeska Afrika, waxaanan doonaynaan inaanu iska kaashno ammaanka labadayada wadan.”

Mar la weydiiyay arrimaha aqoonsiga oo ay Somaliland baahi badan u qabto, wuxuu Madaxweyne Biixi yidhi, “Waxaanu hirgelinay Dimuqraadiyad, haddana waxaanu doonaynaan inaanu talaabadayada labaad samayno dawlad wanaag. Waxaanu IGAD iyo Midowga Afrika ku qancin doonaa in qaddiyadayadu tahay mid siyaasad ahaan sax ah, sharci ahaan iyo mooraal ahaana sax ah.”

Madaxweyne Biixi, waxa kale oo uu sheegay inaanu saldhiga milatari ee Berbera ee Imaaraadku dhibaato u gaysan doonin dalalka jaarka, “Heshiiska ay Somaliland Imaaraadka Carabta ugu ogolaatay saldhiga milatari, saamayn kuma yeelan doono ammaanka dalalka jaarka.” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here