Madaxweyne Biixi Oo Shaqo La’aanta Dhallinyarada Ku Cabiray 30% Iyo Warbixino Kale Oo 75% Ku Sheegay Camal La’aanta Da’ Yarta

57
4572

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay
in shaqo la’aanta dhallinyaradu laga yaabo inay tahay 30%, halka ay
daraasaado iyo warbixino kale oo caalami ahi baahiyeen in shaqo
la’aanta dhallinyarada tahay 70-75%.

Madaxweyne Biixi oo la hadlay saxaafadii caalamiga ahayd ee ka soo
qayb gashay xafladii madaxtooyada Somaliland loogu qabtay balaadhinta
dekedda Berbera, wuxuu sheegay in gobalka Geeska Afrika ay ka jiraan
xasarado badan oo badankoodu ka dhashay shaqo la’aanta dhallinyarada,
waxaanu rajo wanaagsan ka muujiyay in maalgashiga DP world ama
shirkado kale ay wax weyn ka tarayaan shaqo la’aantaas, “Gobalkayaga
Geeska Afrika waxa ka socda xasarado badan, badankooda waxa sabab u ah
shaqo la’aanta dhallinyarada. Laga yaabaa in 30% ay dhallinyaradayada
yihiin bilaa shaqo,  gobalku muddo dheer muu deganayn,  Sidaas
daradeed maalgashiga DP world amaba shirkado kale dalkay doonaan haka
yimaadeene faa’iido ayay u noqonayaan gobalka oo dhan.”

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sannad
ka hor wargeyska The Capital ee Itoobiya ka soo baxa wuxuu u sheegay
in shaqo la’aanta dhallinyarada Somaliland marayso 75%, “Shaqo
la’aanta dhallinyaradu waxay maraysaa 75% taas oo aad iyo aad u
badan.” Ayuu yidhi Wasiir Sacad oo isagu shaqo la’aanta dhallinyarada
u sameeyay dhawr sababood oo ay ka mid tahiay xirfad la’aan iyo
maalgashi la’aanta.

Daraasad ay samaysay jaamacadda Bristol ee dalka Ingiriiska ayaa
iyaduna sheegtay in shaqo la’aanta dhallinyarada Somaliland tahay 75%,
“Sida ku cad qorshaha horumarinta qaranka shaqo la’aanta dhallinyaradu
waxay maraysaa 75%.” Ayay tidhi daraasadda Jaamacadda Bristol.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here