Madaxweyne Biixi Oo Sameeyay Isku Shaandhayn, Wasiirkii Maaliyada Oo Banaanka La Dhigay, Sacad Oo Lagu Bedelay Iyo Faratoon Oo Hoggaaminaya Diblomaasiyada Somaliland

28
3128

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay soo saaray wareegto Madaxweyne oo uu ku sameeyay isku shaandhayn iyo magacaabis golihiisa xukuumadda ah.

Wareegtada uu Madaxweyne Biixi soo saaray, wuxuu wasiirka maaliyadda ugu magacaabay Dr. Sacad Cali Shire oo ahaa wasiirka arrimaha dibadda, halka uu wasiirkii waxbarashada Yaasiin Faratoon u magacaabay wasiirka arrimaha dibadda. Wasiirkii Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi ayuu isna ku daray inuu xubin ka noqdo guddiga tacliinta sare. Wareegtada Madaxweyne Biixi ayaa u dhignayd sidan:  “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-233/112018 uu Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid iyo Isku-beddel

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here