Madaxweyne Biixi Oo Kulan Madaxweyne Xigeennadii Hore Fududeeyeen La Qaadanaya Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka Iyo Arrimaha Ay Gorfayn Doonaan

0
1014

Hargeysa(Geeska)Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng,Faysal CalI  Waraabe ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu gogol u dhigay saddexda xisbi iyo odayaal ka mid ah kuwa Somaliland si xal looga gaadho is marwaagii arrimaha doorashada.

Kulamadan oo ay fududeeyeen madaxweyne ku xigeennadii hore ee Somaliland ayaa la filaya in xal lagaga gaadho doorashooyinka Wakiillada iyo Degaannada oo dib u dhacay iyo muranka guddida doorashada ee mucaaradka iyo xukumadda u dhexeeya.

Waxa uu guddoomiye Faysal ku tilmaamay ismari waaga doorashada dib u riday  mid aan lahayn micna buuran isla markaasna tilmaamaya awood darnaanta hoggaanka Somaliland, waxaanu sidan ka sheegay shir jaraa’id oo uu warbaahinta kula hadlayay.

Guddoomiye Faysal oo arrimahan ka hadlayay waxa uu yidhi “Habeen danbe insha allaahu ( Caawa) madaxweynuhu gogol ayuu noo dhigay saddexda xisbi iyo niman odayaal ah  oo aanu doonayno sidii aanu uga baaraan dagi lahayn sidii ay doorashadu inuugu dhici lahayd 2019-ka, markaas soo duceeya inaanu habeen danbe ka baxno ismari waagan soo jiitamay mudada dheer ee hadana  waxa fudud iska ahaa ee aan wax wakhti dheer qaataba ahayn, waxay ka markhaati kacaysaa tamar darnaanteena.”

Geesta kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan qado ah ay ku wada qaateen xarunta madaxtooyada ee Somaliland xildhibaanada golaha wakiillada iyo shirgudoonkooda. Madaxweyne Biixi ayaa ujeedada kulanka ku sheegay in ay doonayo in wada shaqayn fiican dhexmarto xukumadda iyo golaha “Maanta qadadeenu waxay ahayd inaan kulano oo is casuuno oo is aragno, waayo waxaynu nahay laba haayadood oo dalka xil weyn u wada haya oo isku sidkan oo midba midka kale la’aantii aanu dhaqaaqayn, waxaan doonayaa inaan xidhiidhkeena wanaajino, inkasta oo uu aad iyo aad u wanaagsanaa intan aynu wada shaqaynaynay inaan sii wanaajino, xagayaga ixtiraam iyo wada shaqayn wanaagsan iyo qadarin ayaa taala, aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin sida muga leh ee aad uga soo qaybgasheen waanuna idin soo dhawaynaynaa wadashaqayn wanaagsana waanu rajaynaynaa.”

Lama oga in madaxweyne Biixi mudaneyaasha kala hadlay arrimaha doorashada oo saamayn ku leh golaha wakiillada maaddaama muddada loo kordhinayo walina uu qabyo yahay xeerkii lagu dooran lahaa golaha bedelaya

Si kastaba ha ahaatee waxa hore u fashilmay wada hadallo ay yeesheen hoggaanka mucaaradka Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo Eng Faysal Cali Waraabe iyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kuwaas oo isku mari waayay arrimo ay ka mid yihiin kordhinta iyo kala dirista guddida doorashada oo mucaaradku si weyn u danaynayo madaxweynuhuna difaacay waxaana la eegaya in dhinacyadu tanaasul sameeyaan si xal looga gaadho doorashooyinka muddo dhaafaya eek u soo noqnoqday Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here