Madaxweyne Biixi Iyo Hoggaanka Xisbiga Waddani Oo Kulan Gondaha Is Daray, Waddani Oo Dalbaday In Guddiga Doorashada La Kala Diro Iyo Mawqifka Madaxtooyada

26
84

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka xisbiga Waddani ayaa shalay kulan gondaha is daray, waxaana kulanka loogu sii gogol xaadhayay kulan maanta dhex maraya saddexda xisbi qaran oo uu Madaxweyne Biixi goob-joog ahaan doono oo lagaga tashan doono arrimaha doorashooyinka Baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka oo la qorsheeyay inay qabsoomaan March 2019.

Ma jiro war rasmi ah oo ay madaxtooyada iyo xisbiga Waddani ka soo saareen kulankan shalay madaxtooyada ka qabsoomay, laakiin warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in kulanka oo uu Madaxweyne Biixi dalbaday ujeedadiisu ahayd in loo sii gogol xaadho kulanka maanta ee saddexda xisbi si uu kulanka maantu u noqdo mid degen.

Warku wuxuu sheegay in xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ay Madaxweyne Biixi iyo masuuliyiintii kale ee weheliyay u bandhigeen mawqifka xisbiga Waddani ee ku saabsan guddiga doorashooyinka oo uu Waddani bishii March sheegay inuu kalsoonidii kala noqday, waxaanay madaxda Waddani si cad ugu sheegeen Madaxweyne Biixi iyo masuuliyiin kale oo kulanka ku weheliyay inaanay ka qayb galayn doorasho ay guddiga doorashada ee wakhtigani masuul ka yihiin, waxaanu Waddani soo jeediyay in si deg deg ah loo kala diro xubnaha guddiga doorashada.

Laakiin xubnihii Madaxweyne Biixi kulanka ku weheliyay gaar ahaan Madaxweyne-xigeen Saylici ayaa sheegay inay adagtahay in guddiga doorashada wakhtigan la kala diro, isagoo soo bandhigay dhawr qodob oo uu sheegay inaanay suurtogal ka dhigayn in guddida doorashooyinka wakhtigan la kala diro.

Waxaanu sida warku sheegay uu qodobkan ku saabsan kala dirista guddiga doorashooyinku u muuqday mid ay aragti ahaan aad ugu kala fogyihiin Madaxweyne Biixi iyo xubnihii dhinaciisa weheliyay iyo hoggaanka xisbiga Waddani.

Waxa loo balamay in maanta ay saddexda xisbi ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID isugu yimaadaan shir lagaga tashanayo arrimahan, kaas oo uu Madaxweyne Biixina goob-joog ahaan doono.

Sida warkan uu Geeska Afrika sheegay Madaxweyne Biixi waxa dhinaciisa weheliyay

  1. Madaxweyne-xigeen Saylici
  2. Wasiirka waxbarashada Yaasiin Faratoon
  3. Guddoomiye-xigeenka 2aad ee KULMIYE Axmed Cabdi-dheere
  4. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan xisbiga KULMIYE
  5. Wasiirka Xanaanada xoolaha iyo kalluumaysiga Xasan Gaafaadhi

Dhinaca xisbiga Waddani waxa hoggaaminayay guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro, waxaana weheliyay

  1. Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde
  2. Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan
  3. Guddoomiye-xigeenka 1aad ee xisbiga Waddani Cabdirisaaq Khaliif

26 COMMENTS

  1. May I just say what a relief to discover somebody that
    truly understands what they’re talking about online. You certainly realize how to bring an issue to light and make it important.
    More and more people have to check this out and understand this side of the story.
    I was surprised you’re not more popular because you definitely possess the gift.

  2. May I simply say what a relief to uncover an individual who really understands what they are discussing over the internet.
    You actually understand how to bring an issue to light and make it
    important. A lot more people should look at this and understand this
    side of your story. It’s surprising you aren’t more popular
    since you certainly have the gift.

  3. Woah! I’m really digging the template/theme of this blog.
    It’s simple, yet effective. A lot of times it’s very difficult to get that “perfect balance” between superb usability and visual appeal.
    I must say that you’ve done a amazing job with this.
    Also, the blog loads extremely quick for me on Opera.
    Exceptional Blog!

  4. What i don’t understood is in reality how you are
    now not actually a lot more neatly-liked than you
    may be right now. You’re so intelligent. You recognize
    thus considerably when it comes to this matter, made
    me in my view believe it from numerous varied angles.

    Its like men and women don’t seem to be involved except it is something
    to do with Girl gaga! Your individual stuffs great.
    Always handle it up!

  5. Its like you read my mind! You appear to know
    so much about this, like you wrote the book in it
    or something. I think that you can do with some pics to drive
    the message home a bit, but instead of that, this is excellent blog.

    A fantastic read. I will certainly be back.

  6. whoah this weblog is excellent i like reading
    your posts. Stay up the great work! You already know, a
    lot of individuals are looking round for this information, you could help them
    greatly.

  7. I seriously love your blog.. Excellent colors & theme.

    Did you create this web site yourself? Please reply back as I’m planning to create my own blog
    and would love to find out where you got this from or exactly what the theme is called.
    Appreciate it!

  8. Thanks on your marvelous posting! I quite
    enjoyed reading it, you are a great author.I will make certain to bookmark your blog and will often come
    back from now on. I want to encourage you to definitely continue your great posts, have a nice day!

  9. Normally I don’t read article on blogs, however I wish to say that this write-up very pressured me
    to take a look at and do it! Your writing taste has been amazed me.
    Thanks, quite nice article.

  10. Howdy! I just want to offer you a big thumbs up for the excellent info you’ve got here on this post.
    I’ll be returning to your website for more soon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here