Madaxweynaha Somaliland Iyo Madaxweynaha Gobalka Soomaalida Itoobiya Oo Ku Kulmay Wajaale

0
239

Wajaale(Geeska)-Madaxweynaha JSL  Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa ku kulamay magaalo ganacsiyeedka Wajaale dhanka Somaliland.

Labadan masuul oo kala hogaaminayay wafti wasiiro,ganacato iyo odayaal isugu jira ayaa qado ku yeeshay Wajaale, waxaanay kulankooda oo ay ka hadleen labadan masuul ay ku sharaxeen wada sheekaysi iyo sidii labada dhinac ay isku kaashan lahaayeen.

Kulanka kadib oo Barkhad Maxamuud Kaariye oo ka mid ah laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa waraysi ka qaaday labada madaxweyne waxaanay sharaxaad ka bixiyeen kulankooda, gudiyo ay u saareen arimaha ganacsiga iyo amaanka iyo ganacsato shirka ku wehelinaayay. Waxaanu ugu horayn weriyahu uu waraystay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaan la waydiiyay ujeedada kulankan wajaale ku qabsoomay?

Kulankani waxa uu ku saabsanaa madaxweynaha Mustafe oo intii xilka uu qabtay aanan hore isku arkin inaan ku casuuno maanta halkan oo aanu qado ugu samayno, wada sheekaysano oo isbarano, kana hadalno danta labada umadood guud ahaan labada dal iyo umadda Soomaaliyeed ee labada dhinacba degan, nabadgalyada,ganacsiga iyo iskaashiga, wax wada qabsiga, dhaqanka iyo waxii nolasha ku saabsan inaan kor u qaadno oo wanaajino, labada dhinacbana dad mudakar ah ayaa ka yimi ganacsato,siyaasiyiin,wasiiro oo madax dhaqameed leh, aad iyo aad waa la wada qadeeyay.

Maxay qodobadan maanta laysla gartay ay kaga duwan yihiin kuwii hore ee dawlad deegaanka Soomaalida ay xukuumadii hore ee Kulmiye la gashay?

Maanta heshiisyo ma jirin, waanu is waraysanay labada dhinacba laakiin waxaanu isla garanay qodobo is afgarad ah shirarkuna waa ay bilaabmi doonaan, waxa ugu muhiimsani waa nabadgalyo, waxa ku xigaa waa sidii laysu kaashan lahaa dhaqaalaha,caafimaad,horumarinta dadka degan xuduudaha  oo waxyaabo badan leh aqoonta iyo dhaqankaba, waxyaabo badan ayaanu isla tilmaamnay hoosna waa loo gali doonaa oo way sii socon doonaan, markaas shir aad u wanaagsan oo dad isku bohol yoobay dhinacwalba isku mid ah abti,inaadeer dad isku bohol yoobay.

Somaliland dhawr jeer ayay ka hadashay in laysu dheelitiro ganacsiga Itoobiya iyo Somaliland oo dhan kaliyaata ka socda, arimahaasi hadaad hoos isula eegtaan ma ka mid noqonayaan?

Ganacsiga dheelitirkiisu waxa uu ku xidhan yahay qofka haddii Itoobiya wax badan nooga yimaadaan oo aan ka iibsano oo aanan wax badan gayn anaga ayaa eedda leh, anaga ayaa nalaga rabaa waxaad iibgayso inaad samayso, haddii ganacsiga laysu furana labada dal mid waliba waxii ka iibgalaya ayuu keenaa, markaa anagu waxaanu gaynaynaa anaga ayay noo taalaa, laakiin waxa weeye in sharciyadii isku fasaxaan labada dhinacba in si siman labada dhinacba looga ganacsan karo, markaas anaga ayay wax nagu qabyo yihiin inaan abuurno oo aan samayno waxii la iibgayn lahaa, lacagta u badan qaad ayay ku baxdaa qaadka nalaguma qasbin anaga ayaa cuna oo caleentan lacag siisana.

Dagaaladan soo laablaabtay ee Oramada iyo Soomaalida ka madaxweyne ahaan wax baaq ah ma u diraysaa?

Meel walba oo lagu dagaalamayba baaq nabadeed ayaan u diraynaa, meel walbana qabaailku waa ay isku laayaan Somaliland iyo dal kasta oo dadka meel wada degan way isku dhacaan, rabshadaa iyo nolashu waa walaalo, Itoobiya inta badan dal degan ayay ahayd Oromada iyo Soomaaliduna nabad ayay ku wada noolaan jireen dhawrkii sanadood ee ugu danbeeyay colaado ayaa ka dhex dhacay taasna waxaan ogahay in dawlada dhexe ee fadaraalka ah iyo ta deegaanka ee Soomaalida iyo ta Ormaduba inay aad ugu dadaalayaan in arintaas ladamiyo anaguna waanu ugu ducaynynaa .

Mustafe Muxumed Cumar madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa isagana la waydiiyay sida uu u arko inuu Somaliland u talaabay?

Runtii aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta la joogo walaaladay masuuliyiinta,madaxda iyo ganacsatadii Somaliland,waa runtaa hadda ayaa iigu horaysay intaan xilka qabtay laakiin Somaliland meel aan shaqsiyan mar walba joogay ayay ahayd, qaab shaqo iyo qaab dalxiisba aan mar walba u iman jiray guri labaad uma arko ee gurigaygii ayaan u arkaa, markaas aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta halkan joogo oo Togwajaale uu igu soo dhaweeyo madaxweyne Muuse ku wada qadayno dadku ay is dhexgalaan shucuur aad u wanaagsan oo walaaltinimona ay meesha ka muuqato aadbaan ugu faraxsanahay.

Isku furanka ganacsiga iyo maalgashi dawlad deegaanka la’la yimaado ayaad ku cecelisay intii aad xilka timi arintaasi ganacsatada aad maanta kulanteen qayb ma ka ahayd?

Si guud ahaan duuduub ah waa looga wada hadlay in ay muhiimtahay maalgashiga iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga la xoojiyo ganacsigana xor laga dhigo,sidaad la socoto ganacsiga dalka Itoobiya xukuumadii hore waxay ahayd mid yara xidhxidhan markaas taas ayaa keentay in aan sidii la rabay dadku isku dhexgalin oo loo kala dhex ganacsan,dhanka Somaliland oo kale ganacsi xor ah ayaa ka jira oo aad u balaadhan taas oo keenaysa in ganacsato dhaqaale haysa oo dhaama kuwa jooga deegaanka Soomaalidu ay xagan joogaan kuwaas inaan ka faaidaysano iyaguna dadka xagaas jooga ay u faaideeyaan ayaanu isla garanay, sidii ay wax u fuli lahaayeena in gudiyo loo sameeyo ayaanu ka wada hadalnay inkasta oo sida uu madaxweynuhu sheegay ay balantu maanta ahayd uun qado, mar haddii laysu yimi arimii laysla soo qaaday oo taasi ka mid ahayd ayaa jirtay.

Waxa jiray mar walaac dhanka amaanka ah uu kaa soo yeedhay xagga xuduuda, arimahaas maanta aragtidaadu sidee tahay?

Walaac aan muujiyay ma jirin oo ku waajahan Somaliland waxay ahayd nasiib daro ka timi sidii aan hadalka u dhigay laga yaabaa in haddii uu qoraal ahaan lahaa uu ka sahlanaan lahaa oo joogsi loo samayn lahaa, maadaama oo uu kala guur ka dhacay dalka gaar ahana deegaan kayaga marka kala guur dhacona uu amnigu khalkhal galo, dad naga soo cararay oo hanti badan la soo cararay oo laga yaabo in ujeedoooyin khaladan ay isticmaalaan joogitaanka meelaha ay u carareen ayaa jira markaas aniga oo arintaas ka duulaya waxaan sheegay Somaliland meelo ka mid ah Somaliya Puntland,Jubalan iyo Xamar ay dad u yaaceen meelah qaarkoodna ay qaraxyo ka soo abaabulayaan, dabacan markaan anigu sidaas lahaa qaraxyada meelaha laga abaabulo waa la yaqaanaa Somaliland kuma jirto waxaan far ku fiiqayay meelo gaar ah oo aan xog markaas ka haynay oo aanay Somaliland ka mid ahayn laakiin maadaama oo aanan hadalkii kala jarin waxa la qaatay turjumaad ah in aan is wada raacinaayo, arintaas runtii shacabka Somaliland waan ka raali galinayaa  manay ahayn sidii loo dhigay, isla maalmihiiba xidhiidh waanu soo samaynay oo arinta aanu ku kala cadaynayno masuuliyiintana waanu ku kala bogsanay laakiin shacabka aanu niyada wanaagsan u hayno ee Somaliland inay arintaas sidaas u dareemaan nasiib daro ayay ahayd mar labaadna waxaan leeyahay sidaas may ahayn sidaanu hadalka u wadnay.

Dagaalka Ormada iyo Soomaalida sidii loo joojin lahaa ma laga hawl galay?

Isku dhacyada Soomaalida iyo Ormadu waa wax aanu dhaxalnay wax hada bilaabmay maaha xukuumadii hore ee halkan ka jiray ama heer fadaraal ama heer gobal ayaa ka shaqeeyay inay bulshooyinku isku dhacaan iyada oo arimo siyaasadeed laga lahaa waa arin cad oo la ogyahay oo laysla garanaayo markaas arintaas aanu dhaxalnay sidii looga shaqayn lahaa waanu ka shaqaynaynaa.

hadda dagaal Oramo iyo Soomaali ah oo socdaa ma jiro waxyaabaha warbaahinta laga sheegayo badanaa waxa buunbuuninaaya dadkii kiciyay dagaalkan hadana ujeedo guracan ka leh si ay u muujiyaan in Oromo iyo Soomaali ay is laynayso oo waliba sida hadalka loo dhigayaana ay tahay Oromadii oo dalka qabsatay ayaa Soomaali dhulkeeda ku socota oo weerar ku ah oo laynaysa arintaas waxba kama jiraan, xaqiiqadu waxa weeye meelaha isku dhacyadu ay ka dhaceen waa laba meelood midi waa Mooyaale oo ay isku laynayaan laba shacab oo meesha wada degan oo midi ka soo jeedo Soomaali midna ka soo jeedo Oromo oo xiliyadii horeba is layn jiray arintaas oo soo xoogaysatay saddexdii sano ee ugu danbaysay maadaama oo ay khilaafaadkii isku badaleen qaab siyaasi ah, taas waa lagu dhex jiraa xalna way u baahan tahay oo dhab ahaan mushkilad ayaa halkaas ka jirta,meesha kale ee dhibaatadu ka jirtaa waa Tuli-guuleed halkaas Oromo ku soo duushay Soomaali oo badani ma jirto waxa jira isku dhac dhex maray laba beelood oo Soomaali ah oo la yidhaahdo Gari iyo Jaarso oo iyadana u baahan in la xaliyo waana laga yaabaa beelahaas marka mid culays fuulo inay xoog u doontaan Oromada oo ay gacan saar leeyihiin laakiin dhab ahaan qaabka loo dhigaayo arinta Oromada iyo Soomaalida waa qaab aan runtii caafimaad qabin shalay oo ugu danbaysay madaxweynaha Oromada ayaanu ka soo wada hadalnay isfaham buuxa oo dhanka xalka ah ayaanu ka gaadhnay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.