Madaxweynaha Maamul Gaboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Shariif Xasan Oo Iscasilay

42
3654

Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheeikh Aadan, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu xilkaas iska casilay kana tanaasulay musharaxnimada maamulkaas oo uu u taagnaa.

Sheekh Shariif ayaa xilka madaxweynaha koonfur galbeed si kumeel gaadh ah ugu wareejiyay guddoomiyaha baarlamaanka koonfur galbeed, waxaanu qoraalka uu isku casilay u dhignaa sidan “Laga bilaabo maanta oo ay taariihud tahay 7/11/2018 waxaan si rasmi ah isaga casilay xilka madaxweynaha dawlad-gobaleedka koonfur galbeed Somaliya, sida oo kale waxaan ka tanaasulay musharaxnimadii tartanka madaxweynaha KGS oo u mudaysnayd 17/11/2018, taas oo aan u arkay xaalad ka dhex jirta dawlada dhexe iyo maamul  gobaleedka Koonfur Galbeed Somaliya. aniga oo u tudhaaya dadka,dalka iyo maamulka koonfur galbeed Somaliya.

Sida waafaqsan dastuurka KGS waxaan si kumeel gaadh ah ugu wareejiyay xilkaas guddoomiyaha baalamaanka koonfur galbeed Somaliya mudne Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna oo sii hayn doona xilkaas ilaa laga dooranaayo koonfur galbeed Somaliya, iyada oo munaasabada xilwareejinta uu goobjoog ka yahay wafti ka socda dawlada fadaraalka Somaliya oo uu hogaaminaayo wasiirka arimaha gudaha fadaraalka iyo dub u heshiisiinta.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here