Kulan Kooban Oo Dhex Maray Agaasimaha Dp Word Iyo Raysalwasaaraha Itoobiya

0
1163

Hargeysa(Geeska)-Agaasimaha DP world Sultan Axmed Bin Sulayem, ayaa la kulmay Raysalwasaaraha Itoobiya oo ay ka wada qayb galeen shirka dhaqaalaha adduunka ee ka socda dalka Switzerland.

Qoraal kooban oo uu agaasime Sultaan soo geliyay barta uu ku leeyahay twitterka wuxuu sheegay inuu Raysalwasaaraha Itoobiya kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin waxyaabaha ay Dp world ka waddo Itoobiya, “Kulan qiimo leh ayaan Raysalwasaaraha Itoobiya kula yeeshay shirka dhaqaalaha ee dunida ee ka socda Switzerland.” Ayuu yidhi Sultaan, waxaanu intaas raaciyay “Waa nin maskax furan, karti badan oo leh aragti hoggaamiye. Waxaanu wada hadal balaadhan oo togan ka yeelanay ganacsiga Afrika ee mustaqbalka iyo gaar ahaan qorshayaasha DP world ay ka wado Itoobiya.”

Itoobiya ayaa maalgashiga ay DP world ka wado dekedda Berbera waxay ku leedahay saami dhan 19%.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here