Kulamada Farmaajo, Abiy & Afawerki Oo Meesha Ka Saaray Doorkii Madaxweyne Geelaha Djibouti Ee Gobalka Iyo Saamaynta Ay Ku Yeelan Karaan Somaliland

33
3537

Hargeysa(Geeska)-Waa shirkii labaad ee saddex bilood gudahood dhex mara Madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, Ereteriya Issias Afawerki iyo Raysalwasaaraha Itoobiya, waxaanay shalay shirkoodii labaad ku yeesheen magaalada Gondar ee gobalka Amxaarada ee Itoobiya.

Bishii September horaanteedii ayay saddexdan hoggaamiye ku kulmeen magaalada Asmara ee dalka Ereteriya, waana kulankii labaad ee ay kaga tashanayaan xaaladaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobalka Geeska Afrika. Saddexda hoggaamiye ayaa yeeshay shir ay ku sheegeen mid muhiim u ah gobalka Geeska Afrika. Isbeddelada cusub ee degdegga ku socda ee ka dhacaya Geeska Afrika waxay abuureen xariiq siyaasadeed oo cusub.  Waxaa soo baxay isku dhawaansho siyaasadeed iyo saaxiibtinimo u dhaxaysa Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea.

Markii labaad, waxa shirarkan ka maqan Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele oo isagu wixii ka horeeyay doorashadii Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ahaa jilaaga siyaasadda ee ugu magaca weyn gobalka Geeska Afrika. Booskii Madaxweyne Geele waxa bedelay Madaxweynaha Ereteriya Issias Afawerki oo ay ka dhaxayso colaad gaamurtay oo inkastoo la sheegay in la xaliyay haddana weli taagan.

In Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele shirarkan ka maqnaadaa maaha mid ku timid hawlyaraan laakiin waxay muujinaysaa in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ay farrihiisa ka baxday taladii iyo saamayntii uu ku lahaa gobalka Geeska Afrika. Laakiin Madaxweyne Geele iyo Djibouti waxay ku jiraan diyaarinta qorsheyaal kala duwan oo ay doonayaan inaga kaga gaashaantaan in dhaawac siyaasadeed iyo dhaqaale ka soo gaadho isbedelka cusub ee gobalka ka taagan.

Geesta kale, kulamadan madaxda Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya waxay saamayn siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba ku yeelanayaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirarkan waxa qayb ka ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo ay Somaliland wakhtigan kala dhaxayso xiisad siyaasadeed. Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xorriyadeeda kala soo noqotay Soomaaliya sanadkii 1991, laakiin dalka Soomaaliya ayaa ku doodaya inay Somaliland ka mid tahay weli Soomaaliya. Soomaaliya ayaa dagaal ku bilowday Somaliland tan iyo intii uu sannadkii hore Maxamed Farmaajo qabtay talada Soomaaliya.

Waxa kale oo iyana la ogyahay in Madaxweynaha Ereteriya Issias Afawerki uu caan ku yahay sida uu uga soo horjeedo qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, waxaanu si xoog leh u taageersanyahay aragtiada midnimadii burburtay ee Soomaaliya. Afawerki oo ah 72 jir jabhad iyo siyaasi ah, wuxuu u muuqdaa inuu yahay hoggaamiyaha hagaya siyaasadan cusub ee Geeska Afrika, maadaama oo uu ka waayo aragsanyahay labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dadka falanqeeya siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland iyo xidhiidhka caalamka ayaa aaminsan inaanay Somaliland weli ka muuqan awoodii diblomaasiyadeed ee ay kaga hortagi lahayd khataraha kaga iman kara isbedelada ka socda gobalka Geeska Afrika ee ay hormuudka u yihiin Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here