Kaftanka Maanta , Madashii Baarlamaanka & Qiimayntii Masraxa Axmed Guruuje

0
593

Waa arrin iska dabiiciya marka hawl la qabto in war iyo sheeko ka hadho , jilayaashana midba kaalintiisa laggu qiimeeyo iyo doorka uu ciyaaray , sidaa darteed hooskeenan kaftanka iyo kulankeena Facebook aynu isku dultaagno , mooshinkii shalay iyo qiimayntii sawirada , inagoo laba laba isugu ladhi doona ilayn aduunyaduba laba laba ayay isugu ladhan tahaye .

– Laba dadaalkooda ayay muujiyeen ,

– Laba Aragtidooday muujiyeen ,

– Laba badheedhahooda ayay muujiyeen ,

– Laba ku dhacooda ayay muujiyeen ,

– Laba Codkooda ayay muujiyeen .

– Labana naftooda ayay muujiyeen .

Labada Wasiir ee kala ah , Wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiirka Duulistu dadaalkooda ayay muujiyeen , Xukuumada ay ka tirsanyihiina doorkii ay ugu beegnaayeen way buuxiyeen , waxaanay muujiyeen kartidooda , horaa loo yidhi ama waa la muuqdaa , ama madasha lama tago .

– Labada xisbi mucaarid aragtidooda ayay muujiyeen , saxaafada ayaanay la hadleen , mid walibana mawqiifkiisa ayuu madashii shalay ku beegan ayuu cadeeyay , marinkooda ayaana ahaa inay aragtidooda muujiyaan .

– Labana badheedhahooda ayay muujiyeenoo , Labada Gudoomiiye Baarlamaan badheedhahooda ayay muujiyeen , midiba dhinaca uu arrinta iska taagayba , Saleebaan golaha inuu hogaamiyo mooshinkana meel mariyo ayuu isu taagay , Cirana inuu rayigiisa ka badheedho ayuu muujiyay .

– Labana ku dhacooda ayay muujiyeen , waa Wasiir Sacadkii Arrimaha Dibada iyo Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi , inay Xukuumada ay Musharaxa iyo Wasiirada ka yihiin la saftaan oo Mooshinka ay wadato ku barbar istaagaan iyo inay ka horjeestaan oo ku khilaafaan geesna way istaagi waayeen, waxaanay dadka soo xusuusiyeen heestii ay qaadi jirtay Faadumo Kaahin Maandeeq ee odhan jirtay ;-

Dadka waa la nooloow ,

oo Nabad ahaadee ,

Ama waa ka nooloow ,

oo nacab ahadee .

Labana Codkooda ayay muujiyeenoo , dadka shacabka ah ee rayigooda ku teegarsanaa mooshinkan iyo dadka rayigooda kaga soo horjeeday , labaduba codkooda way muujiyeen , goobaha kulanada bulshada iyo baraha internatka ee bulshadana waxay isku waydaarsanayeen dood iyo muran waqti badan qaatay .

Labana Naftooda ayay muujiyeenoo Xisbigii Kulmiye ee Xisbul Xaakimka ahaa ee Xukuumadu ka dhisnayd in uu hawl-gabay oo xukuumadiisa hiil iyo hoo toona ku biirin kari waayay ayuu muujiyay oo aanu naf lahayn , qoladii madasha la odhan jiray ee siyaasiyiinta daashay ahaydna inay weli nool yihiin bay cadeeyeen , sidaa darteed labadaasina naftooda ayay muujiyeen .