Imaaraadka Carabta Oo Ciidamo Tababarayaal Ah Oo Ka Joogay Puntland Shalay La Baxay Iyo Hadidaad Loogu Gaystay Madaarka Boosaaso

37
3762

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa koox tababarayaal ciidan ah oo ku sugnaa deegaanada Puntland, shalay si rasmi ah ugala baxday deegaanadaas.

Saraakiishan ciidan oo la sheegay inay tababaro siin jireen ciidamada badda ee Puntland, ayaa shalay markii ay ka baxayeen madaarka Boosaaso waxa loogu gaystay dhibaato iyo haddidaad, waxaana iyaga iyo diyaaradii qaadi lahaydba lagu xayiray madaarka Boosaaso ee Puntland.

Ciidamo Puntland ah ayaa saraakiisha Imaaraadka Carabta waxay ka codsadeen inay baadhaan shandadahooda, iyaguna waxay ku doodeen inaan la baadhi Karin maadaama oo ay haystaan xasaanad diblomaasiyadeed. Waxase la sheegay in markii dambe ay ciidanka Puntland awood u adeegsadeen baadhista shandadihii saraakiisha ka tirsanaa ciidamada Imaaraadka.

Diyaaradii qaadi lahayd ee la xayiray ayaa iyadana shalay gabal dhicii laga sii daayay madaarka Boosaaso, waxaanay kooxdii ciidanka ahayd u qaaday dalka Imaaraadka Carabta.

Waa falkii labaad ee toddobaad gudihii dawladda Imaaraadka Carabta lagaga sameeyo gudaha Soomaaliya, iyadoo maalmo ka horna shandado lacag ah oo ay kala degeen madaarka Muqdisho lagala wareegay.

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa talaabadaas ku tilmaantay mid budhcadnimo ah oo qori caaradii loo adeegsaday koox diblomaasiyiin ah.

Dawaldda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay dacwad ka dhan ah Soomaaliya u gudbisay golaha jaamacadda Carabta, iyadoo uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo Sucuudiga kaga qayb galayo shirka madaxda Carabta oo maanta ka furmaya magaalada Damaam ee Sucuudiga. Sidoo kale madaxda Imaaraadka Carabta ayaa iyaguna shirkaas ka qayb galaya, waxaana la filayaa in Sucuudigu isku dayo inuu dhexdhexaadiyo labada dhinac.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here