Heshiiska Dekeda Berbera Oo Somaliland Ku Soo Jeediyay Warbaahinta Caalamka

34
3296

Hargeysa(Geeska)-Heshiiska saddex geesoodka ah ee dhawaan dalka UAE ku dhex maray Somaliland, DP world iyo Itoobiya ee ku saabsan dekedda Berbera, ayaa wuxuu Somaliland ku soo jeediyay indhaha warbaahinta dunida.

Heshiiskan ayaa u muuqda mid ay aad u qaadaa dhigeen warbaahinta dunida ugu caansani. Warbaahinta caalamiga ah ee warbixinaha ka qoray heshiiskan iyo loolanada diblomaasiyadeed ee ka dhashay waxa ka mid ah wargeyska caanka ah ee Washington post, wakaaladda wararka ee Reuters, majalada caanka ah ee Financial Times, World street journal iyo kuwo kale. Wakaaladahan ayaa waxa ay aad u sii falanqeeyeen  hadal uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters oo ahaa in UAE ay tababarayso ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Sidoo kale warbaahinta dalalka carabta gaar ahaan kuwa Imaaraadka Carabta ayaa iyaguna warbixinahooda aad ugaga hadlay heshiiskan ku saabsan dekedda Berbera. Warbaahinta Imaaraadka Carabta ayaa iyadu diiradda saartay xaqa ay Somaliland u leedahay inay gasho heshiisyo horumarineed oo maalgashi.

Warbaahinta qaaradda Afrika gaar ahaan kuwa Itoobiya iyo Kenya ayaa iyaguna bogagooda hore kaga hadlay heshiiskan iyagoo soo bandhigay khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhashay. Saddexda wargeys ee ugu caansan Itoobiya ee The Repoters, Addis Fortune iyo the capital ayaa warbixino dhaadheer ka diyaariyay heshiiska saddex geesoodka ah ee dekedda Berbera.

Warbaahinta dunida ayaa guud ahaan badankoodu u muuqda inay isku raacsanyihiin in dekedda Berbera halbawle waddo-mareen ah u noqon karto Itoobiya oo ah dal bilaa deked ah kaas oo haddii uu hirgalo keeni kara in Berbera noqoto meel muhiim ah oo maraakibta dunidu ku kulmaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here