Hambalyo Ku Socota Maareeyaha Hay’adda Duulista

47
3627

Saleebaan Cabdi Xuseen

Waxaan halkan ka Hambalyeenayaa duuliye sare, Cabdi Maxamed Rodol  oo uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u magacaabay maareeyaha hay’adda duulista iyo madaarada oon anigu aaminsanahay in uu yahay haldoorkii Aviationkii Soomaaliyeed iyo kii Somali Airline.

Waan jeclaan lahaa inaan mar uun arko madaxweynayaasheena oo masuuliyiinta ay magacaabayaan ku xulanaya aqoon iyo karti sida uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi hay’adda duulista iyo madaarada ugu magacaabay duuliye sare Cabdi Maxamed Rodol.

Hadaan nahay bahda aviationka Somaliland waxaan ku leenahay soo dhawoow Mudane Allena ha kugu garab galo xilka, sidoo kale waxaanu kugu soo Dhaweenaynaa Qacmo Furan.

Hargeysa

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here