Guriga Wasiirka Madaxtooyada Oo Gubtay Iyo Taliska Dab-Damiska Oo Ka Hadlay Hawlgalkii Lagu Bakhtiiyay

30
2735

Hargeysa(Geeska)-Guriga wasiirka wasaarada madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa gubtay, waxaana qabsaday dab la sheegay inuu ka bilaabmay qolka fadhiga isla markaasna uu ku fiday qolka hurdada.

Taliyaha ciidanka dabdamiska sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa sheegay inay guriga oo ka kooban 11 qol laba mooyaane inta kale ay ka badbaadiyeen dabkaas. Waxa daminta dabka ka kacay guriga wasiirka madaxtooyada ka qayb qaatay baabuur dab-damiska ee madaarka Cigaal oo markii u horaysay lagu arkay meel ka baxsan madaarka. Warbaahinta ayay ciidamo milatari ahi ka hor-istaageen inay muuqaalo ka qaataan guriga gubtay.

Guriga gubtay ee wasiirka Madaxtooyada ayaa ka soo horjeeda hoyga uu madaxweynaha xilka ka sii dagaaya Axmed Maxamed Siilaanyo uu Hargeysa kaga nool yahay oo uu dhawaan u guuray. Taliyaha ciidanka dab damiska Axmed Maxamed Sawaaxili oo la hadlayay Eryal-tv gubashada gurigan kadib waxa uu yidhi  “Guri 11 maqsin ah ayuu dab qabsaday waxa uu ka bilaabmay qolka fadhiga waxaanu ku sii fiday qolka hurdada, qolalkii kale ciidanka dabdamisku waxay ku guulaysteen inay dabkii ka xakameeyaan, guriguna laba guri ayuu isugu jiray oo kii uu ka kacay mooyaane kii kalena si fiican ayay uga difaaceen.”

Taliyahu waxa uu sheegay in boolisku baadhitaan ku hayo sababta gurigaasi uu ku gubtay”waxii dabkaas keenayna baadhis ayaa ku socota oo aanu dib idiinka soo sheegi doonaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here