Guddida Wanaag Farista Oo Ka Digay Khamriga Iyo Xashiishada

27
2804

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista iyo Xumaan reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdala, ayaa sheegay inay qabteen gaadhi khamriya,waxaanu tilmaamay in khamriga iyo xashiishadu in dalka ay ku soo kordhayaan, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay in talaabo adag ay ka qaado cid kasta oo lagu qabto khamri iyo xashiishad,waanu xusay in Guddi ahaan mar walba ay ku hawl yihiin sidii dadka looga wacyigelin lahaa wax kasta oo diinteena suuban lid ku ah, si looga feejingaado, loogana dheerado.

Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista iyo Xumaan reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdala, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Ciidanka Booliska ku bogaadiyey talaabadii ay ku soo qabteen Khamrigii yaalay Raysalaha, waxaanu tilmaamay in Ciidanka Booliska looga baahan yahay inay baadhitaan ku sameeyaan meel kasta iyo cid kasta oo ay ka shakiyaan, waxaanu ku taliyey in si fiican loo sugo xuduudaha dalka, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Gaadhi dhan oo khamriya oo Guri lagu rogaayo dharaar cad ayaanu qabanay, Wadankiina Khamrigii aad buu u soo galay, oo khamrigii iyo Xashiishadiiba dalka aad baa loogu soo daayey, laakiin waxaan ALLE uga mahadinaynaa in dadkii wacyi fiican leeyihiin, oo waxa cabaa ay aad u yar yihiin, laakiin waxaad mooda in dadka hadda la barayo, mar walba arinkan waanu ka hadalnaa, oo meelo badan baanu ka hadalnaa, oo Khudbada Jimcaha ayaanu kaga hadlaa, Warbaahinta ayaanu kaga hadalnaa”.

Guddoomiyaha Wanaag farista iyo xumaan reebista mar uu ka hadlaayey Xukuumadda iyo Ciidanka Booliska ayaa yidhi “Boolisku aad bay ugu mahadsan yihiin dabagalka ay ku hayaan Khamriga iyo wixii la mid ahba, Khamrigu xuduudaha ayuu ka soo galaa, si yar oo qarsoon buu u soo galaa, Raysilayle qudhana maaha ee waa in dhammaan baadhitaan lagu sameeya meel kasta iyo cid kasta oo lagu tuhmo, Khamriga iyo wixii la midka ahba, waana in gacanta lagu soo dhigaa cid kasta oo khamriga iyo xashiishadaba  lug ku yeelata, Guddida Wanaag farista haddii aanu nahay waxaanu leenahay wadanku wuu inaga dhexeeya, ee aynu badbaadsano, oo aynu ka badbaadsano, wax kasta oo diinteena, dhaqankeena iyo damiirkeena dhaawacaya, dhibna ku haya, haddii xashiishada iyo khamrigu dalka ku bataana amnigii khal-khal buu galayaa”.

Dhinaca kale  Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista iyo Xumaan reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdala,wuxuu guud ahaan Dhalinyarada iyo Bulshada reer Somaliland ugu baaqay in laga fogaado wax kasta oo dhaqan xumo keenaya, ALLENA aanu raali ka ahayn, waxaanu ku baaqay in la badiyo ALLE ka cabsiga iyo cibaadada,

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here