General Cumar Nimcaale Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay In Maalin  Loo Asteeyo Shacabkii La Xasuuqay

59
3651

Hargeysa(Geeska)-General Cumar Maxamuud Nimcaale, ayaa Madaxweyne
Biixi ugu baaqay inuu sameeyo maalin u gaar ah oo la xuso xasuuqii ay
shacabka Somaliland u gaysatay dawladii Maxamed Siyaad Barre.

General Cumar, oo u waramay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu tacsi u
diray shacabka iyo dawladda Soomaaliya oo toddobaadkan xusay qaraxii
Muqdisho ka dhacay Oktoobar sannadkii hore oo ay dadkii ugu badnaa ku
geeriyoodeen, “Anigoo Cumar Nimcaale ah waxaan doonayaa inaan halkan
tacsi uga diro Soomaaliya iyo shacabkeedaba dadkaas ku dhintay 14
Oktoobar sannadkii hore qaraxii ka dhacay aad iyo aad ayaanu uga
xumaanay, aniguun maahee dad badan oo reer Somaliland ah ayaa tacsi u
dirayaa, , aadna waanu uga xumaanay dadkaas masaakiinta ah ee halkaas
lagu xasuuqay. Alle waxaan uga baryaynaa kuwii dhintayna inuu u
naxariisto, kuwa dhaawaca ahna Alle caafimaad siiyo.”

General Cumar, oo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi la
hadlayaa wuxuu yidhi “Dadkii faraha badnaa ee gaadhayay saddex boqol
iyo toddobaatanka kun ee qof ee ciidamadii Soomaaliya ay ku xasuuqeen
dhul badan oo Somaliland ah magaalo iyo tuulooyinba oo ilaa maanta
aanay cidina soo hadal qaadin taas aad iyo aad ayaanu uga xunahay,
sidaas Soomaaliya maalin xus ah looma samayn markaas waxaan leeyahay
haddii Madaxweynayaashii hore u samayn waayeen xus Madaxweynaha maanta
Muuse Biixi waxaan aad iyo aad uga codsanayaa inuu u sameeyo xus
dadkaas lagu xasuuqay Somaliland, waxaanan leeyhay wa aarrin laga
seexday oo Somaliland ka seexatay.”

General Cumar oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Maalin  dhawayd
xaafadda Badhka ee Hargeysa cagaf qodaysay ayaa soo saartay xabaal
wadareed aan hore loo ogayn horena boqolaal meelood oo Somaliland ah
ayaa laga helay. Markaas waxaan leeyahay waa in sannad walba la
xasuustaa dadkaas la xasuuqay. Halkaas aynu inaga iyo Soomaaliya uga
ooyayno shanta boqol ee ruux, 370 kun oo ruux maxaynu uga aamusanahay.
Soomaaliya ilaa maanta wax raali gelin ah kamay bixin dadkaas ay
ciidamadoodu xasuuqeen. Markaas Madaxweyne Muuse waxaan leeyahay waa
inaad samaysaa xuska maalinta xasuuqii Somaliland.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here