Faysal Cali Waraabe Oo Shacabka U Sheegay Inaanay Isaga Iyo Cirro Dalka Uga Baqan, Balse Uga Cabsadaan Hoggaaminta Madaxweyne Biixi

35
3125

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal
Cali Waraabe ayaa sheegay in aan mucaaradka dalka looga baqayn ee
looga baqaayo madaxweynaha talada dalka haya Muuse Biixi Cabdi, waxase
eeddaas ka jawaabay Wasiir ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Biixi oo
madasha ku sugnaa.

Guddoomiye Faysal waxa uu ku celiyay in furfurka shacbiga Somaliland
uu sii fidaayso, isla markaasna aanu madaxweynuhu maqlayn talooyinka
la soo jeedinaayo, waxaanu sidan ka sheegay xaflad uu kaga qaybgalay
arday ka  qalin jabinaysay jaamacadda New Generation ee magaalada
Hargeysa,waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Ilaa intii
ay dawladan Muuse dhalatay dalku waa uu furfurmay shacabigu waa uu
furfurmay quluubteenu waa ay kala tagtay waa in quluubta dadka laysku
soo celiyaa, xalay (Habeen hore ) waxaan daawanayay niman reer
Somaliland ah oo tuute xidhan oo Qardho ka soo hanjabaayay, Tukaraq
ayaynu tagnay maxaynu ka faa’idaynay sumcadeenii eber ayay ka dhigtay
waayo dacaayada ayaa laynaga badiyay, waa layna kala dhex galay
heshiis ayaa la sameeyay Cabdiwali waa uu diiday maxuu u diiday
gudaheena ayuu ogyahay.”

Guddoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Muuse maanu
mucaaradin waxaanu jeclnahay maadaama oo uu dalku meel khatar ah
maraayo inaan gacan siino, waa la fadhiistay oo waanu ku akhrinay si
niyad ah ayaanu ugu akhrinay oo waxaan ku idhi wax ma kugu dageen
waxaanu yidhi Alle ayaa og, anaga hanooga biqina,Waddani dalka hawga
biqina,caare hawga biqina ee Muuse uga baqa.”

Laakiin wasiirka ciyaaraha Boos Mire Maxamed, oo isna halkaas ka
hadlay ayaa si cadho leh uga jawaabay hadalka Faysal, waxaanu yidhi
“Halkan waxa ka hadlay guddoomiyihii Ucid waxa uu yidhi in dekadii la
balaadhinaayo,madaarkii,kooridhoorkii la samaynaayo ayuu haddana yidhi
siyaasadeenii dibadu waa ay xumaatay,siyaasada arimada dibada
xukuumada Muuse Biixi waa ta keentay horumarka iyo xukuumadii ka
horaysay ee Kulmiyeba, labada jeerba mar uu afar helay ayaa uu ugu
badnaa dadku waa uu garanyaa ninka uu dooranaayo, taariikhudu yaanay
idinka anban wadankan isaga oo rag u baahan oo u baahan in loo
dagaalamo ragii u soo dagaalamay waa uu joogaan Faysalna waa uu ka
weynaa Faysal maalintaas maxuu ahaa bal is waydiiya maalintaas waxa uu
ahaa ma kii kuu dagaalamayay mise kii kula dagaalamayay, maanta dalku
hadduu xumaadana ragii u dagaalami jiray ayaa u dagaalamaya.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here