Faysal Cali Waraabe Oo Ka Warramay Kulan Isaga Cali Khaliif La Yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya

51
3648

Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay magaalada Brussels ee wadanka Beljamka ku kulmay guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo uu weheliyo siyaasiga Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo kulankaas ka dib hadlay ayaa sheegay inay Farmaajo isku afgarteen qodobadii ay ka wada hadleen oo taabanayay dib u bilaabista wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, dagaalka Tuko-raq iyo nabadaynta Soomaaliya, :Madaxweynihii Farmaajo waanu kulanay waxaanu kala hadalnay sidii deeqaha loo qaybsan lahaa ee dagaalka loo joojin lahaa, sidii loo heli lahaa jawi wanaagsan oo wada hadal lagu bilaabo, sidii Soomaaliya ay wadadii lagu jabay looga leexin lahaa oo loo horseedi lahaa waddo wanaagsan oo nabad lagu keeno sidii aanu gacan uga gaysan lahayn xagooda. Waanan isla afgaranay intii oo dhan.” Ayuu yidhi Faysal oo u waramay BBC, waxaanu intaas raaciyay inay isla garteen in wada hadaladii deg deg loo bilaabo, “Waxaanu ku heshiinay in si dhaqsaha loo bilaabo.”

Faysal oo la weydiiyay inay ka wada hadleen dagaalka Tukoraq, wuxuu yidhi  “Waanu isla soo qaadnay oo waxaanu ku nidhi arrintan haddii aanad gacan ku lahayn adaa dhiirigeliyay waanu ka dhaartay, waanan rumaysanay, arrintaana sidii loo qaboojin lahaa inuu doorkeeda ciyaaro maadaama oo garowe iyo boosaaso ka tirsantahay Soomaaliya, waanan u sheegnay inaanu mar kasta diyaar u nahay nabad, horena dagaal uga dhicin deegaankaas aanu jaarka nahay ee aanu wax badan wadaagno, wanaagooda ayaanu jecelanahay, isku aragti ayaanan ka noqonay.”

Faysal, wuxuu sheegay in, inkastoo ay dawladda Somaliland qaadacday shirkaas haddana inay isaga iyo Cali Khaliif xil iska saareen in la soo helo xaqa Somaliland,  “Annaga waajib ayaa naga saran Somaliland dawaladeeda annagaa ku taageernay inaanay tagin maadaama oo aan booskeedii la siinin, dalku Somaliland iyo Soomaaliya ayuu ahaa haddii ay shan ama lix noqdaan waxba nagama gelin inaanu laba u wada fadhiisano ayay ahayd haddii tii la waayay waa inaan la tagin. Laakiin inaanu daba galno oo xaqeeda doono annagii xisbi mucaarad ah iyo Cali oo khaatumo ah oo xil ka saaranyahay oo wada hadal noo socdo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here