Dumar Iyo Rag

41
4441

W/Q: Sagal Maxamed Aadam

Inaga oo da’aahaan is leeg ayaan ku daryeeli jiray. Inanta xaafada ayaan ahaa sidaa darteed ayaan kuugu dedaali jiray. Waagu marka uu beryo adiga masuuliyad baa ku saaran anigana dhowr.  Masuuliyada adiga ku saaran waan ka simanahay oo waa dugsigga. Dugsiga inaga oo u wada tegayna ayaan haddana kala hor kacnaa. Waan kacaa oo quraacda iyo dirayska inoo diyaariyaa.Intaas oo keliya ma ahaan’e gogoshaada ayaan guraa. dharka aad adigu xidhato nadiifintoodu waa aniga masuuliyadayda. Cuntada aad cunto iyo wax kasta oo howshaada ah ayaa waajib igu ah. Yaa igu waajibiyey? waa su’aal aan jawaab u waayey. Aniga iyo kumanaan ila mida ayaan cidna uga jawaabin. Nasiib wanaag se maba raadino jawaabta maba u arko inay tahay in laga jawaabayo. Waa dhaqan ay adagtahay in la bedelo. cidba kuma ay fekerin in la bedeli karo. Sidaas ayaa aan ku koray.

Aniga oo daalay ayaa aad adna i guursatay. Uma aragtid in aan is guursanay e waad i guursatay. Aniga laftaydu in aad i guursatay baan u arkaa.  Si kataba ha ahaate waxba isma bedelin. Waxa keliya ee is bedelay waa indhaha i tijaabinaaya oo soo batay. Waa la igu soo waaniyey oo waa la isoo dardaaray. Inta adiga lagu soo dardaaray in ka badan baa la idardaaray. Dhexda ayaan xidhay Allena  waan tala saaratay. Salaada subax ayaan kuu kalihi jiray. Adoo hurda baan quraacda kuu diyaarin jiray sidii kii hore. Xataa kabahaaga aniga ayaa masaxa. Inta aad maqan tahay howsha ugu badan e aan qabtaa taaday ahayd. Waxaan isku dayaa in aan kuu buuxiyo wixii hooyadaa iyo walaashaa kuu qaban jireen. Adigu waxaad tahay Amiir ana waan ku raali geliyaa. Sariirtaad ku jiifsato hal saxar ma taabto. Markaad seexato in yar oo sanqadha kuuma ogoli. Markaad soo toostana albaabkaan kuu sii furaa. Qofka kowaad ee wanaagaaga iyo guushaada ku farxaa waa aniga. Adigu mooyi in aad sideyda iigu farxdid. Ma ba jeclid in aan guuleysto. Ma ba ogid in aan guuleysan karo. Ma ba qabtid in ay tahay in aan guuleysto. Sababtu waa adiga oo u arkaya kaalinta kaliya ee aan nolosha ku lee yahay in ay tahay shaqada guriga. Iyaba wax yar ma aha oo adiga ayaan ku soo saaraa. Adigu shaqada dibadda ayaad ku aadaa. Marmarka qaar labada ba anaa qabta. Adigu shaqada uma qabatid oo kaliya in aynu ku noolaano, sida aa naan anigu u qabto. Maxaa aad magic, maal iyo muunad bulshadda uga dhex raadisaa adigu anigana iigu diidey. Qofka kowaad ee xumahaaga iyo guul daradaad ka naxaana waa aniga. Mar walba waan u  heelan ahay in aan xoogayga oo dhan kuu huro. Anigu waxba ma hagrado xagayga waxaan u arkaa in xil wayn isaaran yahay. Hooyo na gurigeeda ma hagrato. Aniga oo uur iyo adhaxba ku sida baan haddana howsha guriga iyo ta caruuta midna ima seegaan. Mar walba waan kuu hagar baxaa saad u horayn lahayd. Adiga oo dadka la xun baad aniga ii wanaagsantahay. Hadii aanad I dilin adigu nasab baabad tahay.

Adigu mar baad aniga i ahayd. Calooshayda ayaa aad ku jirtay oo cuslayd. Culayskaaga dartii ayaa ay caguhu i barareen. Waan kugu xanuunsaday oo dhuubtay. Waan casaa oo madoobaaday. Waan ku fooshay oo ay kululayd. Kulayl aanan hadal kugu dareensiin karin ayuu ahaa hooyo. Jidhka igu yaal kaaga ayaan uga damqasho badnaa hooyo. Weligay adiga oo aan dhergin wax maan  cunin. Maxaan hooyo aniga oo aan godolo waxba cunin adiga ku haqab tiray. Maxaan hooyo aniga oo dhaxan u badheedhay adiga ku dugsiyey. Weligay adoon seexan maan seexan. Intaan hooyo adoo hurda gaadh kaa ahaa. Koritaankaagaan la soo dhibaatooday haddana dheef bay ii ahayd. Dhiigayga waxaan jeclaa in adiga lagugu shubo saad hore u ugu korto. Farxadayda mar kasta waxaan jeclaa in taada lagugu daro si aanad werwer u arag. Wax kasta oo aan lahaa adaan ku hibeeyey maantii aad dhalatay.

Aniga oo taas ah adiguna kaa tahay ayaad I dhibtaa hadana. Waad I baro kicisaa oo aan qaxaa. I kufsataa oo I xoogtaa. I goblomisaa oo ooyaa. Asaay baan qaadaa oo ubad baad igu agoomaysaa. Dacaladda dunidda dabka ka baxaya adiga ayaa shidey. Cida ku gubaneysaa waa aniga. Adigu xitaa hadaad ku dhimatid aniga ayaa dhaawacan. Hooyo iska heshiiya fadlan. Dhibka ha abaabbulin xabiibi. Dumarka xaqdhowr walaallo. Oo na naga hor baneeya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here