Doorashadii November Oo Noqotay Wejiga Dhabta Ah Ee Ay Somaliland Dunida Ka Iibin Karto

26
2976

Hargeysa(Geeska)-Doorashadii madaxtooyada Somaliland ee qabsoontay 13 November, ayaa u muuqata inay kor u qaaday meeqaamka Somaliland. Laga soo bilaabo Ingiriiska ilaa Koonfur Afrika waxa Somaliland lagu ammaanayaa doorashadii ay qabsatay ee nabadgelyada ku dhammaatay.

Dadka falanqeeya siyaasadda iyo ammaanka Afrika, ayaa aaminsan in doorashadii madaxtooyada Somaliland ay calaaamad u tahay kobaca siyaasadeed iyo amni ee Somaliland oo weli aqoonsi raadinaysa.

Simon Allison oo ah tifaftiraha qaybta Afrika ee wargeyska Daily Maverick oo ka soo baxa dalka Koonfur Afrika, ayaa warbixin uu shalay ka qoray waxyaabaha rajada wanaagsan gelinaya qaaradda Afrika ee la arkay sannadkan dhammaanaya ee 2017, wuxuu qayb muhiim ah ka siiyay doorashadii Somaliland, waxaanu sheegay inay dadka siyaasadda Afrika falanqeeyaa marka ay ka hadlayaan guulaha Somaliland ay mar mar ku soo qaataan Somaliland, laakiin ay waajib ku tahay kooxahan inay tusaale u soo qaataan Somaliland.  “Gobal aan degenayn, ayay Somaliland si uun uga hirgelisay inay nabadgelyada ilaaliso rubuc qarnigii u dambeeyay. Waxay dhistay dimuqraadiyadda oo doorashooyinka waxa loo qabtaa si joogto ah, awoodaha waxa loogu kala wareegaa si nabad ah.” ayuu ku yidhi warbixintiisa, isagoo intaas raciyay in doorashadii Somaliland ee qabsoontay November ay ahayd tii ugu wanaagsanayd ee Afrika, marka la eego qaabka loo qabtay oo loo adeegsaday qalabka isha bu’da laga sawiro si aan loogu celceln, “Somaliland waxay guushan oo dhan gaadhay iyadoo aanay beesha caalamku u aqoonsan qaran madaxbanaan.” ayuu yidhi isagoo intaas raaciyay in caalamku Somaliland ula macaamilo qayb ka mid ah Somaliya, wuxuuse sheegya in la joogo wakhtigii la aqoonsan lahaa Somaliland “Waxa la joogaa wakhtigii laga hadlahaa aqoonsiga Somalialnd ee guulaheedana wax laga baran lahaa.” ayuu yidhi saxafigani.

Geesta kale xildhibaan Lord Luce oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa dhawaan golihiisa ka hor sheegay in waxyaabo badan oo wanaagsani ka soo socdaan Afrika. Wuxuu tusaale u soo qaatay Somaliland oo uu sheegay inay tahay bidhaan wanaagsan oo dhinaca nabadgelyada Afrika ka soo ifaysa,

“Waxaynu aragnaa in Somaliland tahay iftiinka degenaanshaha, waana ka suurtogal Afrika, waa inaynaan joojin.” ayuu yidhi xildhibaanka oo ka hadlayay guulaha muuqda ee Afrika ka soo ifaya, waxaanu intaas raaciyay inay tahay in dunidu aanay ka quusan Afrika ee ay caawiyaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here