Deeqdii ugu badaneed ee European Union-ku ugu Deeqay Geeska Africa

0
19887

Wargays ka soo baxa wadanka kenya “Daily Nation” ayaa Jimcihii, 2 November 2018 qoray war- bixin ku saabsan World Banka oo Dawladda Somalia u ansixiyay 140m oo Dollar. Abdurahman Ducaale Bayle, wasiirka Maaliyada iyo Ms Deborah (Bell) oo ah Sarkaalad ka socota Bangiga Aduunka (World Bank) ayaa arbacadii 31/10/2018 kala wareejistay 80m oo ka mida ah lacagtaas. Waxa kale oo Europen Union-ku u ansaxiyeen deeq iyaduna dhan 116 Milyan Dollar bishii September. Ilaa hada waxay ku wareejiyeen lacag dhan 22.6M Dollar. Deeqdan EU waa tii ugu badnayd ee Ay u ansaxiso wadanka Somalia abid. Dhinaca kale world Bank wuxuu sheegay inay ku qanceen Soomaaliya oo buuxisay shurudihii deeqda oo ah shuruud ku xidhan dayn cafiska ah waxa afka Qalaadna Loo yaqaano. “Debt forgiveness”. Hadaba Bangiga Aduunku wuxuu u bixiyay Deeqdaas mashrucyada horimarinta geeska Africa “Horn Africa state’s development projects”. wadartoodu waxay dhantahay 256M oo Dollar.

 

Caalamka iyo Somalia Waxay u ictirafsanyihiin in Somaliland wali ay ka mid tahay Somalia isla markaana aanay haysan sifa cad oo ay laba dawladood ku kala Noqdaan.  Somaliland   27 sanadood ayey ka maqantahay Soomaaliya oo dhaman wax kasta oo dawlad Soomaaliya ay wada laheeyan ka sakaw. Suaashu waxay tahay xeerkaasi ma waxa uu sheeqeeya oo kaliya Marka caalamka iyo Dawlada Somalia doonayaan inay Somaliland xuduudo u yeelan. Ileen marka kale lama xasuustee.

Waa wakhtigii Dawlada Somaliland iyo shacabkeeda oo isku duuban hadli lahaayeen. Mudane Madaxweyne “Muuse Bixii Cabdi” dalkan iyo dadkan waxay u bahanyihiin inay gartaan helida xaqquuqdoodii iyo qiimahoodii. Wadankani halgan adag ayuu soo maray ka dib marki lagu dhawaaqay xornimada Somaliland. Halgankaa waxa ka mid ahaa nabadaynta beelaha, “Qoriga dhig qalinka qaado, dhiso dhulkaaga”,  waxaas oo dhan waa Qorshayaal Somaliland aad ugu Guulesatay Sababtayna Nabada iyo wada Noloshaha. Laakiin Qorshahaasi wuxuu shaqaynayay (1991-2011).  Labaatanka Sanno. Hada waxaynu u baahanahay Qorshayaal iyo Halgan ka weyn kana adag kii hore. Dawlada Somaliland Waxay u baahan tahay inay Indho aad u dheer u yeelato Caalamka.

Mudane madaxweyne, madaxda iyo shacaba, waxaan u baahanay fagaare aynu uga doodno go’aamadeena iyo qadiyada Somaliland waxaynu u bahanahay wax kasta intaynu dib u dhigno inayno ka shaqeyno arimaha Dibbada.  Hawsha ugu Badan Iyo Maskaxada ugu Badana Galino.

Wasiirka Arimaha Dabbada “Sacad Ali shire” iyo Dhaman dadka sida gaarka ah ugu magacaaban ictiraaf-raadinta waxaan leeyahay Maanta Baahida wadanka ugu weyn waa in uu Dawladnimo  buuxda helo.

Dariiq kasta iyo Hanaan kasta oo lagu heli karana waa in lagu raadiyaa (cadaw iyo saxiiba) . Waa hawl u baahan in laga shaqeeyo Habeen iyo Maalin, saacad kasta iyo Daqiiqad kasta. Waa hawl ubahan in Hantida Somaliland haysato inta ugu badan la galiyo haday Dhaqaala ahaan, Maskax ahaan iyo Midnima ahaanba. Mucaarad iyo muxaafid Shacab iyo Dawlad.  Wasiir Sacad Ali shire anoo kugu ixtiraamaya shaqada aad qaranka u hayso, waxaan ku leeyahay Jaaniska manta aad haysato ma ogid in uu dib ku soo mari doono. Waxaan ula jeedaa Maanta waxaad haysataa Dad Somaliland-nimadu ku weyntahay oo u midaysan qadiyada Somaliland Hadii aad dadkaas uga faaiidaysan waydo hawlahaaga shoqo, tobban sanna ka dib ma ogaan kartid Dadkan manta midaysan say noqon doonaan. Aaan Tusaale ku soo qaato.  1960 markii waftiga Somaliland ka socda uu tagay Somalia madaxweynaha Somalia wuxuu kula taliyay inay haysataan Madaxbanaanidooda Maalinta Gacanta Somaliland bay ku jirtay. Anoo ka soo xiganaya Waraysi uu bixiyay Ambassador Cawil 1994, wuxuu yidhi Madaxweynihii Hore ee Kenya  (Daniel Arap Moi) ayaa ka aqbalay fariin uu u diray Madaxaweynihii marka Somaliland (Mohamed xaaji Ibraahim Cigaal)  wuxuuna wada hadal siiyay Gen. Caydiid oo isna uga yeedhay Ethiopia. Caydiid wuu ogoladay Somaliland inay noqoto dawlad ka madax banan Somalia. Waxaana la qoray hishiiskii. Sacado ka hor markii lagu balamay in la saxeexo ayaa Gen. Caydiid is badalay. Isagoo ku cudur daraanaya inuu jabhad yahay oo aanu saxeexi karin . waxaan uga socdaa malintaana saacado ayuu inoo jiray Maanta joogno 2018 waan ognahay inta ay inoo jirto.

Dawla Somalia ee Farmajo Gadhwadeenka ka yahay iyo xukumadiisa mid ban odhanaya. Somaliland wa Dal Sharci ahaan Calamka u aqoonsanyihiin inay wali ka mid tahay Dawlada  Somalia. Laakiin waxa Shacabkaasi iyo Mamulkiisu ku Qanceen inay Gooni isku Taagan oo ka Madax Bananadan Dawalada Somaliyeed ee ka Talisa Muqdisho. Taas Macanaheedu Maaha waxa kasta oo ay Dawalada Somalia la laheed Somaliland way uga  Go’aysaa Mar Baa iman Doonta la wada Xisaabtami Doono. Oo aan la is waydiin Doonin Burburkii Somalia   iyo waxa Mustaqabalka soo socda toona laakiin laga wada xisaabtami Doono 1991 wixii ka danbeeyay Madax kasta oo somalia soo martay Halkee iyo Marxaladee ayey Somaliland u soo istaagtay  lagu xisaabtami doono. Waxa walbana Taariikhda Qoraysa. Waxakasta waa la  ogsoonyahay laakiin Maalinteeda Ayey Somaliland sugaysaa.

Name: Mona Awil Olad.

Student- MBA Strategic Management -United State International University -Africa

Finance Officer-Tankful insurance Of Africa

Official Emails;monalliza.olaad@gmail.com

Safari park, USIU, Priwwana Hostel | PO Box 39664-00623 | Nairobi, Kenya

 

Reference:  https://www.nation.co.ke/news/africa/Somalia-and-World-Bank-ink–80m-deal/1066-4832378-yh1e2r/index.html

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here