Dawladda Soomaaliya Oo Shirkadaha Diyaaradaha Ku Amartay In Ay Gacanta Ka Geliyaan Lacagta Xujaajta Oo Ay Ku Jiraan Kuwa Reer Somaliland

46
3126

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Soomaaliya ayaa culays ku saartay shirkadaha diyaaradaha ee Soomaalida ee qaada Xujaajta inay lacagta ku soo shubaan wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa samaysay xafiis lagu magacaabo “Arrimaha Xajka” oo ay sheegtay inuu metelayo wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Soomaaliya, kaas oo diyaariyay heshiis loogu tallo galay inay wada saxeexaan dawladda Soomaaliya iyo shirkadaha diyaaradaha ee Soomaalida. Heshiiska ayaa waxa uu dhigayaa in shirkadaha diyaaraduhu ay dawladda Soomaaliya ku shubaan lacagta xajka ee xaaji kasta oo dhan $ 3300(Saddex kun iyo saddex boqol oo dollar). Lacagtaas ayaa laga walaacsanyahay inay ku dhacdo gacmo kale, maadaama oo aanay dawladda Soomaaliya lahayn nidaam xisaabeed oo aamin ah.

Xujaajta sannadkan ee Soomaalida ah oo tiradooda lagu qiyaasay 9300 oo xaaji, ayaa qiyaastii ilaa 3000 oo xaaji waxay ka soo jeedaan Somaliland, waxaanay dawladda Soomaaliya doonaysaa in lacagtaas xujaajta reer Somaliland ay ka mid noqoto lacagaha ay doonayaan in shirkadaha diyaaraduhu ku shubaan gacanteeda.

Dawladda Somaliland ayaa u muuqata inaanay ka war hayn culaysyada ay dawladda Soomaaliya ku hayso shirkadaha diyaaradaha iyo sida ay doonayso in gacanteeda loo geliyo lacagta dadka xujaajta ah ee ka soo jeeda Somaliland. Qorshahan ayaa ah mid cusub oo ay dawladda Soomaaliya sanadkan soo saartay, waxaanay doonaysaa inay kula wareegto arrimaha maamulista Xajka iyo xujaajta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here