Cabdiraxmaan-Cirro Oo Xukuumadda Ka Codsaday Faahfaahin Ku Saabsan Daynta 80-Ka Milyan Ee Dollar Ah

0
1273

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro), ayaa xukuumada ka codsaday inay faah-faahi ka bixiso qaabka  loogu wareejiyay daynta sideetanka milayan ee doolar ah iyo qaabka xukuumadii hore ay ku daymowday.

Waxa uu xukuumada madaxweyne Muuse ku dhaliilay inay shacbiga iyo warbaahintaba ay ku hayso cabudhin, waxaanu sidan u sheegay tilifishanka Saab oo uu u waramay, waxaana ugu horayntii isaga oo ka hadlaayay xaalada dalka uu yidhi  “ Madaxweynuhu waxii laga filaayay iyo barnaamijkii shacbiga uu u balan qaaday in aanay fulin, waxaan u arkaa in hoos u dhac badani uu jiro fashil uu ku yimi siyaasada arimaha dibada,tii gudaha, midnimada shacbiga, dhaqaalaha intaas oo dhami inay jirto.”

Waxa uu ka hadlay daynta xukuumadu la daala dhacayo “Waxa saxaafada ilaa shalay ku jirtay in la soo bandhigay markii ugu horaysay in xukuumadii Kulmiye ee hore ay xukuumadan cusub ay ku wareejisay 80 milyan oo doolar oo dayn ah, shacbigu intaas way hadal hayeen dayn ayaa lagu wareejiyay madaxweyne Muuse, dayn la qariyay ayay ahayd sabab shacbiga looga qariyayna ma garanayno  arintaas Alle ayaa kashifay ayaan is leeyahay oo waxii shacbigu sheegayeen waa ay soo baxeen markaas xukuumada waxaanu kula talinaynaa in dayntaas shacbiga si faah faahsan loogu sheego sida uu shabcigu u daymoobay loo sheego, warbixin buuxdana shacbiga loo soo bandhigo.”

Guddoomiye Cirro waxa uu xukuumadii Kulmiye ku dhaliilay cabudhinta shacabiga iyo warbaahinta“ Qofka waxa sharci ah uunbaa lagu xidhi karaa muwaadinkana waxa xaqiisa xaqiijiyay dastuurka JSL ,saxaafada dastuurka ayaa xaqiijiyay inay madaxbanaan yihiin markaas waa gafaf dhacay oo kutumasho xuquuqul iinsaan iyo madaxbanaanida saxaafadaba, waxyaabaha ay ku faani jireen reer Kulmiye ee markii ay Udub ay joogtay ay ku eedayn jireen ayay ka mid ahayd laakiin diiwaangalintii ugu saraysay ee saxafiyiin la xidho joornaalo la xidho cabudhinta shacbiga maamul kastoo soo maray ka Kulmiye ayaa kaga badan maanta.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here