“Cabdiraxmaan-Cirro Iyo Faysal Cali Waraabe, Shakhsiyaadka Ay Somaliland Ku Nasiibka Badantahay Ayay Ka Mid Yihiin”

61
3744

Hargeysa(Geeska)-Muj. Xasan Ciise Jaamac ayaa madaxda xisbiyada mucaaradka ee Cabdiraxmaan-cirro iyo Faysal Cali Waraabe  ku tilmaamay inay ka mid yihiin shakhsiyaadka ay Somaliland nasiibka u heshay.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, oo ka hadlayay Barnaamij taariikh ah oo uu ka diyaarinayay weriye Cali Jibriil Xirsi, ayaa wuxuu labadaas siyaasi ku bogaadiyay go’aanka ay ka qaateen doorashadii madaxtooyada ee dhacday sannadkii hore, waxaanu ugu horayn yidhi Mujaahid Xasan “Fursadan ayaan doonayaa qodob hore igu seegay oo ah inaan si buuxda u tahniyadeeyo kuna hanbalyeeyo Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal CalI Waraabe, waayo dhibaato kasta oo doorashadii ugu danbaysay ka dhacday hadana, hayara cawdaan intii hore oo xaq ayay u lahaayeen waxii ay ka cabanayaan  ay ka cawdaan oo waxii dhibaato ay sheeganayaan ay sheegtaan, laakiin inay aakhirkii natiijadii doorashada ogolaadaan ay si nabadgalyo ahna go’aamiyeen in waxii dhibaato ah loo xaliyo, aad iyo aad ayaan ugu hanbalyaynayaa. waxaanan horene u idhi imikna aan si furan u odhanayaa Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo kale shaqsiyaadka ay Somaliland ku nasiibka badantahay ayay ka mid yihiin, odaynimo waayeelnimo iyo gobanimo ayay muujiyeen, dhibaatooyin macnaheedu maaha ma jiro  ee waxii dhibaatooyin ah waa wax la xalin karo oo si nabadgalyo ah lagu xaliyo dariiqaas ayay mareen Waana aan Ku Hanbalyaynayaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here