Soomaaliyad Dhaawacyo Loogu Geystay Maraykanka Kadib Markii Ay Afingiriisi Ku Hadli Weyday

0
693

Picture3Minnesota (Geeska)- Asma Maxamed Jaamac oo ah Soomaaliyad ku nool dalka Maraykanka ayaa Jimcihii toddobaadkan dhaawacyo culus loogu geystay dalka Maraykanka kadib markii iyada oo maqaaxi laga cunteeya joogta ay Afsawaaxili kula hadashay carruurteeda oo la socotay.

Gabadhan oo dhalasho ahaan ka soo jeedda Soomaalida Kenya ayaa  la sheegay in ay tagtay maqaaxi lagu magacaabo Applebees iyada oo ay wehelinayeen carruurteeda iyo wiil ay ilma’adeer yihiin. War uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee CBC oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in gabadhan fadhiday miis ku dhow miiska Asma iyo dadkan la socdaa ay fadhiyeen ay maqashay in luuqadda ay ku hadlayaan ay tahay Sawaaxili, kadibna ay si qallafsan ugu sheegtay in ay ku hadlaan Afingiriisi.

“Ameerika ayaa aan ku noolahay. Waa aan ku hadli karaa Ingiriisi, laakiin waxa aanu doorbidnaa in aanu afkayaga asalka ah ku wada hadalno. Haddii taasi dhib kugu hayso, waan ka xumahay” Ayaa ay Asma ugu jawaabtay gabadhan Maraykanka ah ee afka ay ku hadlayeen dhibsatay. Intaas kadib ayaa gabadha oo lagu magacaabo Marie Bruchard-Risch, waxa ay bilowday in ay hadallo aflagaado u badan ku tidhaahdo Asma. “Tag dalkaagii” ayaa ay ku tidhi bilowgiiba iyada oo intaas ugu sii dartay, “Marka aad Maraykan joogto waa in aad Afingiriisi ku hadashaa”

Picture4Paul Sommer oo ka tirsan saraakiisha booliiska ee deegaankaas ayaa dhacdadan xaqiijiyey, “Shaqaalihii Maqaaxida ayaa isku dayey in ay soo dhexgalaan, iyaga oo isku dayey in ay dibadda u saaraan Marie Burchard-Risch, laakiin ma’ay ogolaan iyada ayaana bilowday gacan-ka-hadalka, oo inta ay soo qaadatay koobka quraaradda weyn ah ee khamriga lagu cabbo ayaa ay wejiga kala dhacday gabadhan Soomaaliyadda ah oo ay dhaawacyo waaweyn ka gaadhsiisay  sanka, sunnayaasha indhaha iyo debinta.

“Weligay ma’aan arkin qof, si aan dabiici ahayn ii soo eegay isaga oo ka xun in aanan afingiriisi ku hadlayn ama in aan xijaab xidhanahay.Talefishannada ayaa aan ka daawaday dembiyada nacaybka ah ee dhaca, laakiin in ay aniga igu dhacdaa waa ay igu cusbayd. Runtii is beddel weyn ayaa igu dhacay, wax fool xun oo aanan jeclaysan ayaa uu ahaa” Asma ayaa ereyadaa ku qortay bar-kulannada bulshada ee internet ka.

Warku waxa uu intaas ku daryaaa in Asma oo dalka Maraykanka tagtay sannadkii 2000, lacagta illaa hadda lagu daweeyey ay kor u dhaaftay Shan kun oo doolarka Maraykanka ah. Dad badan ayaa aaminsan in qodobbada lagu dhisay dacwadda lagu soo oogay gabadhan dhibta geysatay ay aad u jlicsan yihiin. Dadkaas waxaa ka mid ah Jaylaani xuseen oo ah agaasimaha Golaha Muslimiinta Maraykan waaxdiisa Minnesota, isaga oo dareenkiisa cabbirayana waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, "Dacwadda hadda la soo oogay uma qalanto khatarta xaaladdani leedahay”

Sida ay tilmaamayaan wararka laga helayo garsoorka Minnesota gabadha dhaawacan u geysatay Asma oo maxkamadda la soo taagay ayaa marka loo eego qodobbada sharci ee dawad-oogayaashu ay u cuskadeen, sababaya in haddii dembiga lagu helo lagu xukumi doono Shan Sano oo xabsi ah ama in ay bixiso ganaax lacageed oo aan ka badnayn 10 kun oo doolar ama labada oo la isku daray. 7da Bisha soo socota ee Diisambar ayaana loo muddeeyey maxkamadaynta gabadha dhibta u geysatay Asma.