Xukuumadda Somaliland Oo War Baaq Nabadeed Ka Soo Saartay Colaad Ka Taagan Sanaag

0
209

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa nabad ugu baaqday bulshada gobolka Sanaag, kadib dil 5 qof loogu geystay degmada Goof.

Warsaxaafadeed kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in kooxo cadaw ku ah bulshadu ay ku hawlanyihiin falal bulshada la iskga horkeenayo.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay ugu baaqaysaa dadka walaalaha ah ee degaanada koonfurta gobolka Sanaag ee ay  shalay shaqaaqadu ka dhacday in ay nabadda ilaaliyaan, kooxaha cadawga ku ah nabadda ee bulshada iska horkeenayana ay meel uga soo wada jeestaa” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.

Xukuumaddu waxay sheegtay in ilaalinayso nabadgelyada shacabka, wada noolaashaha bulshada gobolka Sanaag, waxayna ciidamada amar ku siisay in ay tallaabo ka qaadaan kooxa abaabulan, oo ay sheegtay in ay waxyeelaynayaan nabadgelyada guud iyo wada jirka  bulshada gobolka Sanaag.

Maayarka degmada Goof, ayaa sheegay in dagaal ku uu dhacay kadib markii ciidamo hubaysani ay dileen nin isla-markaana, ay dhaceen geel.