Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE Oo La Filayo Inay Maanta Guluf Siyaasadeed Ku Qaadaan Wakiilada

0
605

golaha 3Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE oo labadii caano maal ee u dambeeyay ka arrinsanayay qorshaha ay maanta ku waajahayaan fadhiga golaha wakiilada, ayaa la sheegay inay qorshaystaan inay fadhiga maanta ee golaha ku qaadaan guluf siyaasadeed.

Xukuumadda iyo KULMIYE oo u muuqda inay xataa lumiyeen kalsoonida xildhibaanadii ka tirsanaa xisbigooda, ayaa si weyn uga biyo diiday wax ka bedel iyo kaabis uu golaha wakiiladu ku sameeyay xeer hoosaadka golaha wakiilada, iyadoo kaabista iyo wax ka bedelka ay ka mid yihiin inaanay is dhinac fadhiisan saddexda shirgudoon balse uu guddoomiyaha goluhu fadhiisan doono kursiga ugu sareeya, halka ay labada ku xigeena fadhiisan doonaan labada kursi ee ka  hooseeya iyo qodob labaad oo ka hadlaya sida xilka looga qaadi karo oo ah in xilka lagaga qaadi karo 42 cod, halka ay hore u ahayd in saddexda shirgudoonba xilka lagaga qaado 55 cod. Xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE oo ka duulaya labadaas qodob ayaa labadii habeen ee u dambeeyay shirar doceedyo ku lahaa guriga Madaxweyne xigeenka Md. Saylici, iyadoo ay labadaas fadhi ka qayb galeen wasiiro, xildhibaano islamarkaana uu madaxweyne xigeenku guddoominayay.

Hase yeeshe waxa ay dad badani isweydiinayaan sharciyada ay xukuumadu u mari doonto wax ka bedelka xeerkaas lagu sameeyay maadaama oo ay xildhibaanada golaha wakiiladu ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah.

Si kastaba ha ahaate, maanta ayaa la eegayaa bal sida ay u waajahaan golaha wakiilada iyo inay labada guddoomiye xigeen Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Cali Yuusuf Axmed, ka qayb galaan fadhiga golaha iyadoo haddii ay ka qayb galaan fadhiisan doona laba kursi oo ka duwan kuwii ay hore u dhinac dhigan jireen guddoomiyahooda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cirro.