Burco(Geeska)-Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa sheegay in beeshiisu ku dhaliisho inuu xooga saarayo dhalinyarada dalka, waxaanu ka waramay sababta xisbiga Waddani uu xooga u saarayo dhalinyarada.
Waxa uu sidan ka sheegay Hogaamiye Xirsi Xaaji Cali Xasan mar uu ka hadlaayay xaflad dhalinyaro aad u tiro badan oo lagu magacaabo Mahiigaan ay ku soo biiraysay xisbiga Waddani, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaaya uu yidhi"Anigay in badan igu yidhaahdeen carruur ayuu ku wareegaysanayaa ee reerka taladiisii meel ayay taalaa, ma carruur baad tihiin sow cod ma lihidin, sow wax ma dooran kartaan oo xuquuqdiina ma fulin kartaan, xuquuqdiina idinkaa iska leh, waliba waa qaar aan waxba soo akhriyin oo anagu waxaanu barnaamjika ku salaynay oo aanu dhalinyarada u qiimaynaynaa markaanu da'da eegaynay 43% kiiba ayaa sodon jir waxii ka yar ah, waxaad leedihiin codka noocaas ah ee aad wax ku badali karaysaan, ku hawlgala codkiina oo ku doorta cidii aad u aragtaan mustaqbalka dalkiina, Waddani waa rajada musqabalka iyo ta shacabka ."
Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa hore wasiirka madaxtooyada oo aad u awood badan ka soo noqday xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu ugu danbayntii iska casilay.