Hargeysa(Geeska)-xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan golaha wakiilada ayaa shalay deeq lacageed gaadhsiiyay qoys degen Hargeysa oo uu ka gubtay gurigii ay degenayaan islamarkaana saddex habeen u hoyday banaanka.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye, wuxuu qoyskan gaadhsiiyay lacag dhan $ 850 (siddeed boqol iyo konton dollar), waxaanu shacabka reer Somaliland ugu baaqay in qoyskaas ay caawiyaan. “Gurigan oo dhaxamahan ka gubtay ayaynu u nimid iyagoo carruur badan haysta, guri horena bishan waynu dhisnay, kana waynu dhisaynaa, waxaan umadda ka codsanaynaa inay caawiyaan oo u soo gurmadaan qoyskan u baahan caawimadooda.” ayuu yidhi xildhibaan Nacnac oo lacagta guddoonsiiyay qoyska.
Qoyska oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa u mahadceliyay xildhibaan Nacnac oo ay sheegeen inuu u soo gurmaday markii uu ka war helay dhibaatada qoyskaas haysata. “Xildhibaan Nacnac ayaa no yimid oo eegay waanu na gacan qabtay, waanan u mahadcelinaynaa.” sidaa waxa tidhi hooyada qoyskaas.