Xildhibaan Dhaliilay Xukuumada Madaxweyne Silanyo

0
583

bashiirHargeysa(Geeska):-Xildhibaan Cabdiqaadir Jirbiil Tukaale oo ka mid ah mudaneyaasha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa Xukuumadda Madaxweyn Siilaanyo ku dhaliilay in mudadii shanta sanno ahayd ee ay dalka soo xukumaysay aanay ka hirgalin wax-qabad ah, waxaana uu tilmaamay in ay ka xukuumadda Siilaanyo ay baa’biisay siyaasaddii arrimaha dibadda Somaliland isaga oo sida oo kalena carabka ku adkeeyey in dhanka kalena siyaasaddii arrimaha gudahu ay iyaduna si aad ah u qasan tahay.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, ayaa hadalkan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu ugu horeyn is-bar-bar dhig uu ku sameeyey Afartii Xukuumaddood ee dalka soo maray iyo waxyaabahii ay qabteen isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay Xukuumadda Siilaanyo in aan la garanayn wax lagu xasuusan doono marka ay xilka ka degto.

“Mudada shanta sanno ah ee ay Xukuumaddu talada dalka haysay, waxii ay dalka ka qabteen waxa weeyaan waxii hore u qorsheysnaa ayey iyagu wax ka qabteen oo ay fulinteeda yeesheen, horumarinta rasmiga ah marka horumar laga hadlaayana waa loo sameeyo oo la ilaaliyo nidaamka shuruucda ee loo shaqeynaayo, laga tiktoonaada musuq-maasuqa iyo la dagaalanka xatooyada, waxaas oo dhan ayaa looga baahan yahay oo haddii la doonaayo in wax-la-qabto ay ahayd in la-qabtaa, haba-se-ahaatee, wasaaraddaha in la yara rinjiyeeyey waa la ogyahay. Waxa weeyaan horta dawladii Cabdiraxmaan Tuur markii uu dalka aas-aasay isaga oo ciidan wata, waxaa u suurtoobay in uu aas-aaskii dawladnimo sameeyo oo gooni isu taagii iyo dawladnimadii ugu horeysay ku dhawaaqo oo uu dawlad dhiso, wax badana uma qabsoomi karayn duruufo jira awgeed, ma qiraan qoladani duraaftii la soo maray. Maxamed X.Ibraahi Cigaal, ayaa isna dalka yimi iyada oo isbaarooyinku ay meel walba ka buuxaan oo magaalooyinka suuqa dhexdiisa yaalaan, wax Allaale iyo waxii dayday iyo hub is watay, waxaa xareeyey Maxamed X.Ibraahim Cigaal, wax-qabad tii ugu weynaydna waa ay noqonaysaa ee la soo maro. Ra’yaale ayaa isna yimi, deedna dimuqraadiyadahan uu marin habaabinaayo isaga ayaa hirgaliyey hana-qaadkeedii. Marka waxa la odhan karaa Cabdiraxmaan aas-aaskii dawladnimo ayaa uu sameeyey, Cigaal dhismihii dawlada ayuu sameeyey, Ra’yaalena dhismahii dimuqraadiyada, bal waa tan e’ qoladan maxaa lagu xasuusan doona?. ayaa la is-weydiinayaa, kaliya waxa ay sheeganayaan waa wasaaraddo la yara qur-qurxiyey oo iyaguna kaliya ku hareeraysan Madaxtooyada intaasina dalka oo dhan maaha, wasaaraddaha qaar ayaan goballada qaar xarumo ku lahayn”.Ayuu yidhi Xildhibaan Tukaale.

Xildhibaan Cabdiqaadir Tukaale oo sida oo kal hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu sheegay in wakhtigii Ra’yaale ay 12 dal oo ka tirsan Midawga Afrika u doodi jireen qadiyada Somaliland, balse aanay maanta jirin wax cid ah oo u dooda qadiyada Somaliland.

“Waxaa kale oo jirta hada Siyaasaddii arrimaha dibadda ayaa fadhiid noqotay, waxaa ay yidhaahdaan dunida ayaa inna Ictiraaftay, bal ka waran haddii ay Saylac tidhaahdo Jabuuti ayaan dawladnimadii kala noqonay!, Saylac dawladnimo ma ka qaadi kartaa Jabuuti?. Jawaabtu dee waa maya. Laakiin maalintii uu Ra’yaal xilka hayey Midawgii Afrika 12dal ayaa u olaleynaayey qadiyada Somaliland, maantana xabad lagama hayo, siyaasaddii arrimaha gudahu sidaas oo kal iyaguna khal-khal ayey ku jirtaa, marka waxaan leeyahay waa lagaa sugayaa Madaxweyne Siilaanyo in waxii aad balan-qaaday aad fuliso, sida oo kalena in aad taariikh iyo magac aad kaga tagtana waa la wada jecel yahay, marka in uu intaas uun ku mintido ayey ahayd ee dad kale oo badan ayaa talada ka haysta oo isaga ayaaba gurmad u baahan.”.Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Tukaale.