Xildhibaan Buubaa oo dhaliilay isku shaandhayntii iyo xil ka qaadistii madaxweyne Siilaanyo sameeyay

0
692

download (20)Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ahna Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa ka hadlay isku shandhayntii; isku badalkii iyo xil ka qaadistii uu Madaxweynuhu ku sameeyey Xukuumaddiisa, waxaanu sheegay in wax lala yaabo tahay isku shaydhanta uu Madaxweynuhu dhawrkii biloodba uu mar ku sameeyo Xukuumaddiisa.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi "Wadamada Caalamka, marka Madaxweynaha la doorto, Madaxweynuhu Xukuumadiisu mar ayey la dhacdaa, aadna wey u adag tahay in Wasiir xil loo magacaabay si yar oo fudud lagu badalo, balse marka aynu u nimaadno Xukuumaddan Madaxweynaha uu ka yahay Axmed Sillaanyo, nidaamkii iyo hanaankii dawladnimo wey lumisay, waxaana la odhan karaa waa Xukuumad faashil ah maxaa yeelay weynu ogeyn in bil iyo badh ka hor isku shandhayn inuu sameeyey, haddana uu sameeyey, tan iyo intii uu xilka iyo taladda dalka la wareegayna inta jeer ee uu isku shandhayn uu sameeyey weynu ka war qabnaa, marka Wasaarad laga badalo Wasiir, Wasiir kale loo magaacabo haddana Wasiir kale loo magacaabo, haddana la eryo, waa nidaam xumo, iyo waliba hantidii qaranka oo sida la doono loogu takri falayo, maxa yeelay xilal aan loo baahnayn ayaa kolba uu Madaxweynuhu magacaabayaa.

Madaxweynuhu inta uu ku mashquulsan yahay isku shandhaynta Xukuumaddiisa waxa looga baahnaa inuu hagaajiyo nidaam xumada dalka ka jirta.”