Xaaji Cabdi-Waraabe Oo Shalay Ku Kala Guntaday Golaha Wakiilada, Sacabkii Lagu Soo Dhaweeyay Iyo Nuxurka Khudbadda Uu Jeediyay

0
672

Picture7Hargeysa(Geeska)-Odayga ruug cadaaga ah ee Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-Waraabe) oo ka mid ah golaha guurtida ayaa shalay ku kala guntaday xildhibaanada golaha wakiilada oo si weyn isugu maandhaafsan mooshino kala duwan oo maalmihii u dambeeyay golaha xaalad siyaasadeed oo cakiran ka abuuray. Waxaana shalay xarunta ku sugnaa ciidamadii Boolis ah ee ugu tirada badnaa.

Jawigii golaha

Fadhiga shalay ee golaha wakiilada oo furmay 11:00 barqanimo, ayaa si weyn waxa u buux dhaafiyay mudanayaal ka soo horjeeda guddoomiyaha golaha wakilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, oo watay mooshin ka dhan ah oo hoos loogu dhigayo tirada xilka lagaga qaadayo, doonayayna in laga  dhigo 42, iyadoo hadda ah 55 cod. Guddoomiyuhuna wuxuu xildhibaanada hore ugu eedeeyay inay madaxtooyadu dabada ka riixayso.

Hase yeeshe iyadoo ay xaaladda golaha wakiiladu cakirantahay islamarkaana ay gacanta isula tageen dhawr xildhibaano oo kala aragtiyo duwani, ayaa waxa golaha yimid odayaal guurti ah oo uu horkacayay Xaaji Cabdi-Waraabe, uuna ka mid ahaa, guddoomiye xigeenka golahaas Md. Siciid Jaamac Cali,  Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo xubno kale, waxaanu guddoomiye Cirro oo hadal kooban jeediyay uu mudanayaasha u sheegay inay hadal ka dhagaystaan odayaasha guurtida ah oo codsaday inay golaha la hadlaan.

Khudbadii Xaajiga

Wuxuu halkaas Xaaji Cabdi-Waraabe ka jeediyay khudbad waano iyo wax sheeg u badnayd oo xaadda dhaqaajisay xildhibaanadii sida fog u kala qaybsanaa, sababna u noqotay inay aqbalaan soo jeedintiisa oo ahayd in golaha la fasaxo muddo toddobaad ah si ay u soo dhammaystiraan khilaaf ka dhex taagan shirguddoonka golaha wakiilada. Xaajiga wuxuu yidhi  “Baarlamanku  haddii uu guurti yahay iyo haddii uu wakiilo yahayba ha ogaaden oo ha fahmeen waxa ina saaran, saddexdii nin ee meel maraayaba Nabigii (NNKH) nin buu madax uga dhigay, nafwal oo addunka saaranina waa masuul ayuu yidhi oo waxa ugu liita qofka naftiisa ka masuulka ah ee waxa xun ka dhawra ee waxa wanaagsan ku dadaala,Aadame ayaynu nahay waynuna gafaynaa waxase la doonayaa in gafka laga soo noqdo,waa inaynu garanaa golayaasheenu waxa ina saaran, xil Alle ayaa kow ah oo nin kii masuul laga dhigayba inuu ku da’daalo in uu samo taliyo, ninkii caytama, ee buuq kiciya ee wareer keena ninkaasi aakhiradiisii ayuu luminayaa,sharafkiisii aduuna waa uu luminayaa,xilka ina saaran labadeena gole ee Agoomo leh,curyaamiin leh,culimo leh, ee dhalinyaro iyo haween leh waar aynu garano oo da’daalno, oo inagu is ogalaano, oo inagu ficilka dhexdeena ka saarno, inay golayaashu is jeclaadeen weeye oo kala xishoodaan,markaynu mid noqono ayaynu dalka iyo dadkaba anfacaynaa, oo dalka ka daynaa carta iyo carta, adeer inaga daaya.”

Xaaji Cabdi oo hadalkiisa sii wadaa waxa uu yidhi “Inta cimrigaygu joogaa waa wax yar, aniga ayaana idiinku da’weyn ayaan u malaynayaa jamhuuriyadanba nin gole imanaaya,117 ayaan filayaa maanta inaan joogo,koonfurina intaas in leeg ayay ku baaba’day,qabiilo waxay u liidataa markay Ri ruubatay dhiidhi ka bixiso ee ay oriso ee ay niman wax qabtay is moodaan,xeer hoosaadka iyo xeer ka dhamaantii,maslaxada ayaa la baal dhigay kitaabkii quraanka ahaa. Qalinle Xasan oo caaqil ahaa kuna dhintay Da’da 140 waxa uu yidhi (Ninka gartiisa urursadaa inuu aqoon dheer yahay ayuu ismoodaa, waase halaw) garta waa loo jajabnaadaa adigoo gar leh haddii aanad dhulka dhigin wanaag dhalan maayo,haddii dhan laysu wada raaco qalooc ah hadhaw ayaa la soo noqdaa oo waa la tashan karayaa,haddii car iyo car ay gaadhose oo laysu dhabar jeediyo waa sida lagu baaba’aa,golayaasha halaga ilaaliyo kala jabka,haddii xidhiidhka qalooc ka yimaado haloo wada jiro oo miyir haloogu taliyo,intaasi waa iga waano, heerka aynu maanta maraynaana maaha heer lagu tunto,rabigeena hadda ayuu inuu soo jeediyay caalamka, inkasta oo ay hagar inaga galeen,ninkastaa ha dul qaato oo waanu idiin ducaynaynaa ee arinkaad sidateen waa inaad dhulka dhigtaan.laba haddii laysku qabtan waa inay qolo uun tanaasushaa.”

Ugu danbayntii Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ka hadlay khilaafka hoggaanka golaha wakiilada iyo sida ay doonayaan in lagu xaliyo waxa uu yidhi “Arinkan maanta jooga waa wax fudud, waxa is qabtay madaxdii, hadaanu gooni ula shirnay golaha ayay kala maarmi waayeen wax guud oo ay maqlaan oo ay la ogalaadaan, ileen ninba markii hore arinkiisii inbuu ku beeraye,waxaanu iyaga ku nidhi ka daga oo isku tanaasula,oo saaxiibo wada socda noqda,waanay naga ogalaadeen,golahana waxaanu ka doonaynaa labadii dhinac ee aad u kala jabteen inaad mid ka noqotaan wanaag doon ah.waxaanu garanay saddexdaas nin ee walaalaha ah inay mid ahaadaan waa ay naga yeeleen,waxa xiga waxii lafo gur ah ama sharci ah ee hoose waynu u fadhiisanaynaa,waynu dhamaynaynaa,goluhuna inuu naga yeelo todaba casho oo fasax ah inuu galo oo qodaxda iyo shilinta aanu ku dhammayno,dabadeetana ay halkan ka khudbadeeyaan haddii Alle ka dhigo midhkaas ayaanu golaha ka codsanay.”

Intaas kadib xildhibaanada golaha wakiilada ee kala aragtiyaha duwanaa ayaa si weyn u soo dhaweeyay codsiga iyo talooyinka Xaaji Cabdi. Waxaanu guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Ciro uu ku soo xidhay fadhigaas “Xaaji Cabdi waa uu mahadsan yahay, kalmaduna intaas ayay ku dhantahay, ergadaasna waa laga aqbalay,fadhiguna waa uu inoo xidhan yahay.”

Hargeysa(Geeska)-Odayga ruug cadaaga ah ee Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-Waraabe) oo ka mid ah golaha guurtida ayaa shalay ku kala guntaday xildhibaanada golaha wakiilada oo si weyn isugu maandhaafsan mooshino kala duwan oo maalmihii u dambeeyay golaha xaalad siyaasadeed oo cakiran ka abuuray. Waxaana shalay xarunta ku sugnaa ciidamadii Boolis ah ee ugu tirada badnaa.