“Waxaan Beesha Caalamka Leeyahay Bixiya Kharashkii Doorashooyinka” Wasiirka arrimaha bulshada

0
511

Hageysa (Geeska)-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax ayaa ka hadlay walaaca ay Beesha Caalamku ka qabto dib u dhaca Doorashada Madaxtooyada iyo wararka soo baxaya ee sheegaya inay Xukuumaddu doonayso inay muddo kordhin dambe iyo Doorashada oo dib uga dhacda wakhtigeedii,waxaanu sheegay inaanay  Xukuumaddu wadin wax muddo kordhin ah, ilaa haddana aanay jirin sabab cad oo keenaysa inay Doorashadu dib u dhacdo.

1

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay wararka sheegaya in Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye ay lacag ku bixinayaan sidii Masuuliyiinta Waddani ay ugua bixin lahaayeen Xisbiga Waddani, isagoo arrimaha doorashada ka hadlayana wuxuu  yidhi“Wakhtiga Doorashada la qabanayo Komishanka ayaa shaqo ku leh, waxaana filayaa in Doorashadu wakhtigeeda ku dhacayso,wax soo kordhay oo jira oo la leeyahay dib baa loo dhigay wali maynu maqal”.

Mar aanu Wasiirka wax ka weydiinay sida uu arko walaaca ay Beesha Caalamku ka qabaan dib u dhaca Doorashada iyo inay bixin waayaan kharashka Doorashada ee ay bixin jireen ayaa yidhi “Beesha Caalamka waxaan leeyahay waxaanu nahay dal hore u socda, waxaanu nahay dal soo abaabulay Siyaasad; Dimuqraadiyad, kana dhaceen Doorashooyin xor iyo xalaal ahi, oo Wadamada aanu jaarka nahay taasi ka dhicin, waxaana leeyahay Beesha Caalamka bixiya kharashkii aad awalba ku bixin jirteen Doorashooyinka, kolay haddii ay bixin waayana waa inaynu inagu isku kaabno waxaynu haysano, balse waxaan leeyahay Caalamka lana dhamays tirna Dimuqraadiyada, oo waxaad ku balan qaadeen bixiya”

Mar aanu wax ka weydiinay waxa uu kala socdo loolanka la sheegay inay ugu jiraan kursiga Guddoomiyaha Kulmiye Wasiirka Madaxtooyada iyo Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Kulmiye  ayaa yidhi “Wargeysyada iyo Warbaahinta oo aan ku arkay mooye wax loolan ah oo meeshaas yaala maan arag,wax Maxamuud Xaashi ku doonayo Kursiga, wax Maxamed Kaahin ka cabanayana maan arag”

Mar aanu wax ka weydiinay waxa ka jira in Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ay lacag u isticmalayaan Masuuliyiinta Waddani si ay uga baxaan Xisbiga Waddani ayaa ku jawaabay “Dimuqraadiyad baynu ku jirnaa, oo dalku waa Dimuqraadi,waa la tartamayaa, Xisbiyaduna wey tartamayaan, dadkuna mabda ayey leeyihiin, cid lacag la siinayanaa ma jirto, Xisbi walibana sida uu dadka u kasbanayo isaga ayey jirtaa, laakiin cid Xisbiga Kulmiye lacag u adeegsanayaa  ma jirto”.

Mar aanu wax ka weydiinay wakhtigii uu Wasiirka Duulista  ahaa waxa iska bedelay iyo wuxuu kala  kala socdo   go’aankii uu ku soo  rogay Madaarada dalka ee ahaa in aan cidna lagu soo dhaweeyn madaarada dhexdooda wuxuu ku jawaabay “In mar walba nabadgalayadu sugnaato weeye, waxa laga dabciyeyna war uma hayo, oo imika Wasaaraddii ma joogo, laakiin waxaan filayaa inay hawshu sidii ay tahay, Madaxweynuhuna anbabaxisa iyo soo dhaweeyntiisa wuxuu ku qaata Madaxtooyada, waxaana mar kasta muhiim ah inaynu feejignaano”.

Dhinaca kale wuxuu Wasiirka ka hadlay abaaraha ka jira Gobolada Barri ee Somaliland waxaanu sheegay in dadka Goboladaas degani ay u baahan yihiin Gurmad, Xukuumaddana ka go’an tahay inay doorkeeda sida ugu wanaagsan uga qayb qaadato, oo wixii karaankeeda ah ay dadkaas la gaadho, waxa kale oo uu Bulshada reer Somaliland guud ahaan ugu baaqay inay nabadooda ilaashadaan.