“Waxaan Ahaa Odaygiinii, Oo Sahan Idiinku Maqnaa, Sahankiina Wuxuu Noqday Waddani”

0
549

Balli-gubadle (Geeska)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo ka mid ah masuuliyiinta  Xisbiga WADDANI iyo wefti uu hoggaaminyo oo gaadhay xarunta gobolka Hawdda ee Balli-gubadle, hakaasi oo ay gaadhsiiyeen deeq biyo iyo raashin iskugu jirta dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan deeganada hoos yimaadda G/ Hawdd,taas oo uu  xisbiga WADDANI ugu deeqay dadka iyo duunyada ay abaaruhu ku habsadeen.

1
Weftigan uu hoggaaminyey siyaasi Cabdi Haybe  ee gaadhay Gobolka Hawdd ayaa waxa ka mid ahaa masuuliyiin xisbiga Waddani ka tirsan, waxaanay kala kulmay markii ay gaadheen magaalada Balli-gubadle soo dhaweyn ballaadhan.

Siyaasi Cabdi Habye Maxamed la haddlay shacabka ku dhaqan gobolka Hawd, ayaa sheegay in ay xukuumaddu albaabada ka xidhatay shacabka reer Hawdd, waxaanu ugu baaqay in ay codkooda ka xidhaan oo aanay u codayn xisbiga KULMIYE mar dambe, waxaanu u dhignaa haddalkiisu sidan”Haddii aynu nahay dadka ku dhaqan deeganada G/Hawd ,waxa aan ahay odaygiinii, beryahanba  sahan ayaan idiinku maqnaa, sahankiina wuxuu ka hilaacay xisbiga WADDANI ,waxaan idiinku  baaqayaa in sidii xisbiga KULMIYE uu al-baabada idiinka xidhay, in aad codkiina  ka xidhataan, waxayn taageeraynaa xisbigaa maanta idinka oo liita oo baahi xoogan qaba idiin soo xusuustay ee gurmadka idiin soo fidiyey ee idinka kala qayb-qaadanaya abaaraha, deeqdaa raashinka iyo biyaha ahna waxaa idiin soo dhiibay guddoomiye c/raxmaan cirro, sidaa awgeed dhammaanteeba WADDANI ayeynu nahay KUMIYE-na ma maqli karayno, doorana mayno, codkeenu waa WADDANI sidaas ayaa inoo balan ah” Ayuu Yidhi Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed