“Waxa Xadhig Qalooca Nagu Noqday, Iyadoo Madaxweynuhu Saddex Sanno Nagu Lahaa Musharax Baan Ahay “

0
657

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, haddana ka tirsan siyaasiyiinta isbahaysiga, ayaa muujiyay in Madaxweyne Siilaanyo kaga baxay balan ay isku ogaayeen oo ahayd inuu yahay murashax islamarkaana aanu murashaxa KULMIYE ee wakhtigan Muuse Biixi Cabdi uga tanaasulayn kalkiisa labaad.

2

Md. Xuseen, oo waraysi siiyay telefishanka Bulsho,  waxa la weydiiyay bal inuu xaal iyo raaligelin siin karo Madaxweyne Siilaanyo, maadaama oo uu ka mid ahaa wasiiro tiro badan oo mar qudha xukuumadiisa iska casilay, waxaanu Xuseen Axmed Caydiid yidhi  “Madaxweyne Siilanyo in badan ayaanu soo wada hawlgalnay  ilaa SNM ayaan ku soo gaadhey isaga oo gudoomiye ah  ka bacdi 1993 golaha baarlamaanka ayaanu soo wada galney  markaas raga iskugu dhaw dhaw ayaanu ahayn; raggaas xisbiga KULMIYE mudada ku soo wada jiray ayaanu ahaym  muddo shan sano ahna wasiir baan u ahaa.”

Xuseen Axmed Caydiid, oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Soomaalidu waxay tidhaahdaa awrku xamilkiisa waa qaadaa, xadhig qaloocanse ma qaado. Markaas waxa xadhig qalooca nagu noqday  iyadoo madaxweynuhu saddex sanno nagu lahaa musharax baan ahay  oo intaasba ragii ay Muuse isgaracayeen aan anigu ugu horeeyey  oo aan madaxweynaha ilaalinaayey in isaga oo aan waxba u weydiin uu igu yidhaahdo Muuse ayaan qaatey  oo aan uga hadhey  ,  toban goor oo horena aanu ka hubinay Muuse miyaad uga hadhay oo uu yidhi mayee taasi ma jirto, markaas xadhig qaloocan ayuu nagu noqdey adeer, talo ayaa naga dhaxaysay sababta uu nooga tagay  in uu noo sheego ayey aheyd markaas dee anigu in aaan raali galin galiyo meesha kama muuqato  ee ninka meel ka dhaca tirsanayaa waa aniga ”