Hargeisa (Geeska) Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL ,Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed ayaa shir balaadhan layeeshay Ganacstada Dhexe ee dalka.
Wasiirka waxa shirka kula wehelinayay Masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga.
Shirkan oo ay u jeedadiisu ahayd sidii ay isula qaadan lahaayeen hirgalinta Go’aankii Madaxwaynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo uu ku dar dargalinayay kor u qaadida Shilling ka Somaliland ee soo baxday 24 /1/2017.
Intii lagu guda jiray Shirka oo socday sadex saacadood , waxa uu Wasiirku kala hadlay muhiimmada ay leedahay qiima u yeellidda Shilling ka Somaliland.
Wasiirka Ayaa ugu horeyntii kala hadlay ganacsatada qodobadii uu soo saaray Madaxwaynaha JSL, isaga oo u iftiimiyay in isbadal wanagsan laga gaadhay dhinaca sarrifka lacagaha illaa maalintii ay soo baxday Go’aanka Madaxwaynaha JSL.
Waxa uu sheegay Wasiirku inay tahay lagama maarmaan xoojinta shilling keenna , dalkastana lacagtiisu qayb ay katahay horumarka uu gaadho.
Waxa sidoo kale Wasiirku uu daaha kaqaaday inuu diray Koox katirsan Wasaaradda oo gaadhaya tiro ahaan 20 qof oo shaqadoodu tahay inay kashaqeeyaan lasocoshada iyo warbixin soo ururinta ku saabsan maciisashadda , si loola socdo markasta xaaladda sicirka maciishadda dalka , sidoo kalena waxa uu wasiirku sheegay inuu qoray Qoraal lagu dar dargalinayo fulinta go’aankii uu Soosaaray Madaxwaynuhu, isaga oo gaadhsiiyay qoraalkan Ganacsatada dhexe ee dalka (Jumlad layasha).
Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL Dr.Cumar Shucayb Maxmed waxa uu tilmaamay inay tahay muhiim inay iskaashadaan Dawladda iyo Ganacsatada , isaga oo ganacsatada ugu baaqay inay u naxariistaan dadka masaakiinta ee noloshodu ku xidhan tahay ee cuntada iyo maciishaddaba ka iibsada.
Dhinaca kale Waxa ka hadlay goobta xubno kamida Ganacsatadii kasoo qayb gashay shirka , isaga oo uu u hadlay guddoomiyaha Ururka Ganacsatada dhexe Mr.Kayse Maxamed Ismail.
Dhinaca kale xubnihii ganacsatada ahaa waxa ay soo dhaweeyeen go’aankii Madaxwaynaha JSL uu ku dardar galinayay kor ukaca shilling ka Somaliland, iyaga oo uga mahad celiyay Wasiirka tallaabadan uu qaaday ee uu taladii ka qayb galiyay.
Gudoomiyuhu waxa uu sidoo kale xaqiijiyay inay aqbaleen go’aankii Madaxwaynaha ayna diyaar u yihiin inay fuliyaan , wakhtiga dawladdu ay cayintay.
Gaba gabadii labada dhinac waxa ay isku waa faqeen inay soo saaraan War-Murtiyeedkan Hoos ku xusan.
Inay aqblaan oo ay fuliyaan Ganacsatadu go’aankii Madaxwaynaha JSL .
Inay Wasaaradda Ganacsiga iyo Ganacsatadu xidhiidh joogta ah yeeshaan oo lagaga tashado xaaladda Ganacsi ee dalka iyo Sicirka Maciishadda.
Inay Dawladdu tixgaliso talooyinka ay soo jeediyaan Ganacsatadu.