Wasiir Warancade Oo Wax Lagu Qoslo Ku Tilmaamay Hadal Somaliya Ka Soo Yeedhay

0
626

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa sheegtay in go’aannadii ka soo baxay shirkii madasha ee lagu go’aamiyay qaabka doorashada Soomaaliya ee 2016 aanay khuseyn Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa sheegay in Somaliland ay mar hore madaxbanaanideeda kala soo noqotay Somaliya , islamarkaana cid ka wakiil ah Somaliland aanay uga qeybgalin shirkaasi.

Wasiir Warancade, wuxuu dhawaaqa Somaliya ku tilmaamay mid riyo ah oo lagu qoslo. “Waa waxyaabah aadka u layaabka leh ee beenta ku salaysan, dal kala noqday wada jirkoodii inay maanta sheegtaan waa wax lagu qoslo.” ayuu idhi Warancade.

Wasiir Warancade, wuxuu intaas raaciyay ““Markaa annagu waanu kala noqonaya wada jirkayagii hore oo aan awalba sharci ahayn,runtii waana waxyaabaha aadka layaabka u ah ee beenta iyo nidaam la’aanta ku salaysan,dal kala noqday wada jirkoodii inay maanta sheegtaan waa wax lagu qoslo,waana beenta ay dalkaasi nabad galyadiisu dagi laadahay ay ku maamulayaan,markaa waxaanu u aragnaa hadal nin waalani iska yidhi”ayuu yidhi Wasiirka arimaha gudaha Somaliland.

Wasiir Warancade, wuxuu sheegay in Somaliland iyo Somaliya yihiin laba wadan oo kala duwan, waxaanu waxba kama jiraan ka soo qaaday dadka reer Somalialnd ee jooga Muqdisho oo uu ku tilmaamay dad iska shaqo tagay, ““Waxaanu hadda soo rognay in dalkii la odhan jiray Somaliland iyo Somalia sharciyo iyo baasaabooro,taasi mecneheedu yahay inay laba dal oo kala gaar ah yihiin,markaa haddii dad calooshood u shaqaystayaal jiraan danohooda ha u shaqaysaa,cid Somaliland wakiil uga ah ma jirto”ayuu yidhi Wasiir Calii wadan cadde.

1111111111111

Gagabagadiina wasiirka arimaha gudaha Somaliland waxa uu Somaliya u soo jeediyay inay dalkooda nabad ka dhaliyaan,kuna talo galin inay tirada ku darsadaan dal ka wada jirkii kala noqday 25 sanno ka hor.

“Waxaan u soo jeedin lahaa inay gurigooda

nabadeeyaan,dhibaatada dalkooda ka jirtana waxa ka mid ah beenta iyo dacaayadaha ay dadka ku duudsinayaan,haddii ay doonayaan inay cid siiyaan ha siiyaan dadkii xamar joogay ee xaqa u lahaa”ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha Somaliland.