Wasiir Sacad Oo Ka Hadlay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya & Doorka Turkiga

0
575

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee arrimaha dibadda, waxyaabihii u qabsoomay afartii bilood ee uu xilka Wasaaraddan hayey iyo  Wadamadii uu soo maray.

sadc

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire oo shalay hor yimid Guddida joogta ah ee Golaha Guurtida ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo uu sheegay inay muhiim u tahay Somaliland, waxa uu tilmaamay in  wada hadaladaasi aanay midho dhalin, waxaanu tilmaamay in aanu Turkigu wax lug ah ama faro gelin ah ku lahayn wada hadalada balse uu isagu diyaariyey oo qudha, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya  "Haddii aan ku bilaabo Turkiga, haddii ay wax inoogu kordheen iyo haddii ay wax inagaga dhaceen anigu runtii waxa aan qabaa inay wax inoogu kordheen, inoogumay kordhin wixii aynu ka filaynay, laakiin wada hadalkeenu waxa uu runtii astaan u yahay inaynu markii hore ahayn laba wadan, iyaga oo xor ah oo aanay cidina qasbin isku tagay, imikana is hor fadhiya oo caalamku sidaas u ictiraafsan yahay, uu u arkaayo,laba siman bay u tahay Golaha, markaas waxa aan xaggaana u arkaa inay tahay wax tar, hasa yeeshe nasiib daro wax midho ah oo waaweyn oo ka dhashay oo aynu ku xisaabtami karnaa ma jiraan, dadka qaar waxay yidhaahdaan ma laga yaaba in wada hadalku ina lug goynayayba oo dadkii ina ictiraafi lahaa ay ina leeyihin waad wada hadlaysaan ee wada hadalkiina soo dhamaysta, waa wax suurtagal ah, laakiin anigu waxa aan is leeyahay marka aad isku miisaanto inaga faa'iido ayaa inoogu jirta, oo haddii aynu ka midho dhalino ayaa ka sii fiicnaan lahayd.

Ilaa iyo hadda cidi inamay dhex galin, Miiska ayuu inoo salaxay [Turkigu] Kuraastana wuu inoo dhigi jiray, dabadeed inaga ayaa is hor fadhiisan jiraynay, oo wada hadalni jirnay, qolada Turkigu laftoodu wey qirteen inaanay sidaasi midho dhalin, waxay yidhaahdeen Safiir gaar ah ayaanu u magacawnay inuu idin heshiisiiyo, inagu Caalamka iyo Turkigaba waxaynu u sheegnay inaynu jecel ahay inay cid kalena ka soo qayb gasho, markaas taasna insha allaah waan ka shaqeeyn doonaa".

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa mar uu ka hadlaayey arrimaha socdaalada Somaliya iyo in qaddiyadda Somaliland la geeyo gole sharciyeed, waxaanu yidhi  "Somaliya waxay inoola mid tahay wadamada jaarka ah, Itoobiya oo kale, Jabuuti oo kale , dadka Itoobiya waxa ay ku yimadaan Basaboorkooda, dadka reer Jabuutina waxay ku yimadaan Basaboorkooda, inaguna wixii Somaliya ka imanaya inay Basaboor ku yimadaan gar ayeynu u leenahay, waxaana rajaynayaa in arinkaaso arin hirgelay oo dhaqan galay inuu yahay.

Xagga qabsiga Looyarada waa su'aal muhiim ah, waxaanu imika u saarnay Khubaro Looyaro u badan, bal inay isku soo duba ridaan dacwadeena xagga sharciga"