Telefishanka Aljazeera Oo Dacwad Ku Oogay Dawlada Masar

0
586

Telefishinka Aljazeera ayaa dacwad u gudbiyey Maxkamada Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka ee loo yaqaan (ICSID).

1111111111111

Warbaahinta Aljazeera ayaa ku eedaysay in dowlada militariga Masar ay weerar ku qaaday xarumaheeda ku yaal magaalada Qaahira, isla markaana burbur iyo boob u geysatay hantideeda. Waxaana dacwadan qeyb ka ah in dowlada Masar ay hanjabaad iyo gabood-falo ka dhan ah xaquuqul insaanka kula kacday shaqaalaha Aljazeera.

Dacwadan ayaa laga codsaday maxkamada International Centre for Settlement of Investment Disputes (ICSID), in Telefishinka Aljazeera magdhaw laga siiyo dowlada Masar khasaarihii ay u geysteen xarumahooda ku yaalay dalkaasi. Waxayna aljazeera ku doodaysaa in dhibaato loo geystay maalgashigii ay ku sameeyeen wadanka Masar, isla markaana ay dowlada Masar jabisay shuruucda maalgashiga ee caalamiga ah ee la saxeexay 1999kii.

Sharciga maalgashiga ee dhexmaray dalalka Qatar iyo Masar oo la dhaqan-geliyey 1999kii ayaa qeexaya in shirkadii kasoo jeeda dalalkaasi oo maalgashi ku sameysa mid kamid ah labadaasi dal inay xaq u leedahay in si gaar ah loo dhowro hantideeda, isla markaana si cadaalad ah loola dhaqmo. Waxaa sidoo kale sharcigan ku xusan in dhamaan shaqaalaha shirkadaha maalgashiga sameeya ay leeyihiin madax-banaani, lana illaaliyo xaquuqul Insaankooda.

Militariga Masar ayaa hore u xidhay xafiiska telefishka Aljazeera, isla markaana muddo dheer xabsiga ku hayey sadex wariye oo u shaqeeya warbaahintaasi.

Bishii April ee sanadkii 2014 ayey Aljazeera dacwadan diyaarisay, xiligaasi oo la siiyey dowlada Masar muddo 6 bilood ah inay magdhaw siiso Aljazeera, balse lagu guuleysan waayey in heshiis la dhex dhigo labada dhinac.

Aljazeera ayaa dacwadeeda dib u dhigeysay inta ay ka hubsanayaan in xabsiga laga siidaayo suxufiyiinta ka xirnaa, taasi