Hargeysa(Geeska):-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababta Bedelaada Ciidanka ilaalada Xarunta Baarlamaanka Somaliland,oo uu ku tilmaamay inaanay ahayn Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee RRU-da, balse ay yihiin kuwii hore u joogay oo qaar cusub oo kale lagu bedelay.
Taliye Fadal waxa uu ku dooday inaanay tiradii hore u joogtay xarunta baarlamaanka qaar ka baddan geenin meesha, balse tiradii hore u joogtay oo ahayd sideed Askari ay ku bedeleen.
Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaaahi Fadal oo la weydiiyay su'aal ahayd sababta wakhtigan keentay bedelaada Ciidamada ilaalada xarunta baarlamaanka Somaliland waxay tahay? waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi "Waa war aan sal iyo raad toona lahayn, oo ciidamo RRU ah maanaan geynin Xarunta Baarlamaanka Somaliland,in Ciidanka loo baahan yahay waraaqdii bedelaada ciidanka labada Xoghaye ee Golaha Guurtida iyo Wakiillada way heystaan,waana arrin nidaamka ciidanka, oo waa wax weligeedba dhacda,waana intii hore oo joogtay oo ahayd sideed Askari,"
Sidaa waxa uu ku sheegay Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan Mar uu u waramayay maanta Shabakada Wararka ee Hayaannews.com.
"Waa ciidanka Booliska ee saldhiga Galbeedka Magaalada Hargeysa, oo horena u joogay, wax ciidan RRU ah oo aan keenay ma jiro,tiradii hore ee joogtay mid ka baddan oo aan geynayna ma jirto, waana ciidankii awal-ba la isku bedeli jirey.".Ayuu yidhi Taliye Fadal.
Mar la weydiiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan dadku waxay leeyihiin sababta aad ciidanka ilaalada Xarunta Baarlamaanka u bedesheen waxa weeyaan iyada oo maalinta beri oo Sabti ah Golaha la keenayo Mooshin xilka lagaga qaado Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, arrintaasi ma jirtaa? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi "Annaga hawshan aanu qabanay waa shaqadayadii caadiga ahayd,oo mooshinkan aad sheegayso shaqadayadii maaha, wax noo yaalana maaha, waa nidaaamkii ciidaanka oo awal-ba la kala bedeli jirey.”