Suldaan Dhuuxyare Oo Lagu Caleemo Saaray Berbera

0
899

Berbera(Geeska)-Suldaan Cabdiraxmaan Xaaji Xirsi Dhuuxyare ayaa suldaanka guud ee beesha Xaad Cali loogu caleemo saaray hotel Maansoor ee magaalada Berbera.

Suldaankan cusub ayaa laga soo gelbiyay tuulada Barwaaqo oo dhanka koonfureed magaalada Berbera ka xigta 20 Km, galbiskaas oo lagu keenay xaflada camir ee lagu caleemo saaray. Xafladan caleemo saarka ahayd ayaa ay ka soo qaybgaleen salaadiin,cuqaal , masuuliyiin xukuumada ka tirsan iyo dadweyne aad u tiro badan.

Ugu horayntii Caaqil Sidiiq Axmed Galiixi ayaa dhankiisa isaguna halkaas ka yidhi”Waxaanu kaala dardaarmaynaa qabyaalad iyo eex iyo waxa dadka baabiya in aan kuwa ku kaca alle ka dhigin ayaanu kugula dardaarmaynaa.”

Jiif Caaqil Cabdiraxmana Jiriisfe oo halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay suldaanka  waxaanu ku tilmaamay inuu yahay nin aqoon u leh maamulka dhaqanka”Waa nin aqoon u leh maamulka dhaqanka oo mudo badan imika caaqil soo ahaa.”

Sheekh Jaamac Allaale Yuusuf ayaa dhankiisa hanbalyo gaadhsiiyay suldaanka”Anigu waxaan suldaanka salaan ugu sidaa suldaanka guud ee Habarjclo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse  iyo dhamaan salaadiinta kale ee ay beeshu leedahay, waxaan leeyahay suldaan waxay ku leeyihiin hanbalyo.”

Agaasimaha wasaarada diinta iyo awqaafta Sheekh Saleebaan Siciid ayaa isaguna dhaniisa si diiran u soo dhaweeyay Sudaan Cabdiraxmaan Xaaji Xirsi Dhuuxyare, waxaanu ku tilmaamay suldaan waafi ah oo gobalka Saaxil ku sii biiray ” Cabdiraxmaan waxa uu ahaa caaqil waafi ah imikana waxa uu noqonayaa suldaan waafi ah, suldaanka waynu ku hanbalyaynaynaa xilka suldaankani waa saaxil oo dhan.”

Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire ayaa isaguna dhankiisa suldaanka cusub hanbalyo iyo duco la wadaagay”Suldaan waxaan ku leeyahay hanbalyo, hanbalyo, ninka marka xil loo dhiibana waa loo duceeyaa  waxaanu leenahay xilka lagu saaray alle ha kula garab galo alle ha kugu ilaaliyo oo ha kugu xafido.”

Aqoon yahan Maxamed Cali Saleebaan ayaa shankiisa saguna si waafi ah suldaanka ugu dilmaamay mid deeqay isla markaasna ay

aqoonsadeen””waynu soo ajiibnay, waanu taageernay, waanu aqoonsanay, waanu idinla qaadanay oo waa uu nadeeqay ayaanu leenahay.”

Badhasaab ku xigeenka gobalka Saaxil Maxamed Cismaan Indhabalac ayaa isaguna dhankiisa suldaanka u hanbalyeeyay isla markaasna goobtii lagu caleemo saarayay kula

dardaarmay”Suldaan

Cabdiraxmaan Xaaji Xirsi Dhuuxyare waxaanu leenahay hanbalyo, bulshada Somaliland iyo beesha aad caaqilka u tahay intaba cadaalad ku dhaq dadka waxa deeqada cadaalada’e.”

Suldaan Maxamed Axmed Ismaacil ayaa isaguna dhankiisa suldaan xafladancaleema saarkiisa ugu duceeyay isla markaasna kula dardaarmay cadaalada iyo sidii uu umadiisa ugu shaqayn lahaa.

Ugu danbayntii suldaanka guud ee la caleemosaaray suldaan Cabdiraxmaan Xaaji Xirsi Dhuuxyare ayaa dhankiisa u mahadnaqay dadkiisa isku hawlay inay garab istaagaan isla markaasna xilkii caaqilnabada ee uu hayay waxa uu ku tilmaamay mid si guul ah ugu soo dhamaaday, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa”Aniga iiduceeya, 18 sanadood ayaan caaqil ahaa shaqadaas aan maanta ka tagaayo reertolkay iyo qoyska maanta halkan ikeenay intaas aan hayay ragbaa igarab socday iyagana waan u mahadnaqayaa, xiligaas doorashada ee aynu ku jirno cadaawaheenu waa uu badan yahay waxaan idinkula dardaarmayaa inaad amaanka ilaalisaan in aanay caadifadiinu idin qaadin inuu alle nabadgalyo,guul,barwaaqo iyo badhaadhe  inagu gaadhsiiyo.”