Soomaaliya Oo Si Murugo Leh Uga Hadashay Heshiiska Berbera Iyo Somaliland Oo Maanta U Jawaabaysa

31
3227

Hargeysa(Geeska)-Raysal wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa dareen murugo leh ka muujiyay heshiiska saddex geesoodka ah ee ay wada saxeexdeen shirkada DP World,Itoobiya iyo Somaliland, saxeexaas oo ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta oo uu ku sugnaa raysal wasaaraha Somaliya.

Waxa uu sheegay raysal wasaaraha Somaliya Khayre inay sharciga la tiigsan doonaan heshiiskan oo uu ku tilmaamay mid aan iyaga la soo marin, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi” Arinka intii aanu halkan joognay saxaafada lagu shaaciyay ee ku saabsanaa dekeda Berbera waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed u cadeeyo dawlada fedaraalka Somaliya qayb kama aha laga-lama hadlin, lug kuma lahan, cidna nagalmay hadlin arinkaas haba yaraatee.”

Raraysal wasaaraha Somaliya oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”heshiis walba oo la galaayo oo masiiri ah oo ku saabsan deked ama khayraad  ama bad dalka meel walba oo ay tahay, waxa u igman oo kali ah dawlada fedaraalka ah, ansixintiisana waxa u igman baarlamaanka, sidaas daraadeed waxaan mar labaad hoosta ka xariiqayaa, inaan soo dhawaynayno shirkad walba oo dunida joogta oo doonaysa inay dalkeena maal gashato, waayo kobcinta dhaqaaluhu waa ahmiyada koowaad ee ay leedahay xukuumada aan raysal wasaaraha ka ahay iyo dawlada uu madaxweynahay ka yahay madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, laakiin waa in loo soo maraa adariiqa dhabta ah, dariiqaasi waxa uu yahay in loo yimaado haayadaha dastuuriga ah.”

Xukuumadda Somaliland ayaa la filayaa inay maanta ka jawaabto dhawaaqa raysalwasaaraha Soomaaliya, waxaana shalay dalka dib ugu soo laabtay wefti wasiiro ah oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ka qayb galay saxeexa heshiiskaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here