Soomaali Loo Diiday Yurub Oo Ku Xidhan Ukraine Ayaa La Ogaaday In Lagula Kaco Jidh-Dil Iyo Xad Gudbyo Kale

0
568

Picture2Kiev (Geeska)- Qaxoonti isugu jira Soomaali iyo jinsiyado kale oo loo diiday in ay galaan dalalka Midowga Yurub ayaa middo bilo ah ku jira xeryo qaxoonti oo u samaysan qaab xabsi oo ku yaalla dalka Ukraine, waxaana soo baxaya warar xaqiijinaya in dadkaasi ay la kulmaan xad-gudubyo iyo jidh dil bani’aadamnimada ka baxsan.

Baadhitaan dheer oo ay sameeyeen Wargeyska toddobaadlaha ah ee Der Spiegel iyo majaladda Mainz Report oo uu leeyahay talefishanka  ARD ee dalka Jarmalka ayaa lagu ogaaday in maxaabiistan hayntooda iyo daryeelkooda lagu kharash gareeyo Malaayiin doolarka Maraykanka ah oo ka yimaadda magaalada Brussels iyo xarunta dalka Belgium. Laakiin Xasan Xirsi oo ah Soomaali muddo saddex sano laga joogo tahriib ku tegey dhulkaas ayaa warfidiyeenka arrintan baadhayey u sheegay in si arxan darro ah loogu jidh dilay dalka Ukraine iyada oo ciqaabtiisa xitaa loo adeegsaday in koronto lagu dhejiyo.”Xasan Xirsi gacmaha ayaa gariirayey markii uu ka sheekaynayey masiibada ka heshay xarunta xabsi ahaanta loogu hayo ee dalka Ukraine” Sidaa waxaa qoray wargeyska Der Spiegel. Isaga oo intaas ku sii daray in mararka qaarkodo ay dhacdo in aan maalmo badan wax cunto ah la siinin dadkan, si joogto ah oo ku noq-noqosho ahna loo jidh dilo looguna ciqaabo koronto. Xirsi waxa uu sheegay in markii hore uu u baxsaday Midowga Yurub si uu magangelyo u weydiisto, laakiin laga diiday, dibna loogu soo celiyey Ukraine.

Dadkan qaxoontiga ah ee Ukraine lagu hayaa waxa ay ku jiraan xeryo xabsi oo kale ah, oo uu booliisku aad u ilaaliyo, haddiiba ay dhacdo in ay si uun uga baxsadaan si ay ugu gudbaan xuduudka dalalka Hungary ama Slovakia oo midowga Yurub ka tirsan, waxaa markaba gacanta ku soo dhiga ilaalada xuduudaha ee dalalkaas oo ku soo celiya dalka Ukraine.

Cali Jaga oo isna ka mid ah Soomaalida goobtan ku xidhan ayaa warfidiyeenka uga waramay xaalkiisa, “Waxa ay iga soo qabteen Slovakia, kadib goor habeen-badh ah ayaa ay I keeneen Ukraine. Intii ay na soo wadeen mar keliya nooma ay sheegin in ay nagu soo celinayaan Ukraine, keliya waxa ay noo sheegeen in ay xero qaxoonti noo qaadayaan” isaga oo intaas ku daray in markii ay calanka Ukraine arkeen uun ay garteen in halka la keenay ay tahay dalkii ay ka baxsadeen oo dib loogu soo celiyey.

Wargeyska Mainz Reporter oo warbixin arrintan ka diyaariyey ayaa ku dooday in tallaabadan dib u soo celinta qaxoontiga iyo hab-dhaqanka ay kala kulmaan Ukraine ay baal marsan yihiin xeerka caalamiga ah ee arrimaha qaxoontiga oo loo yaqaanno Axdiga Geneva. Waxa uu wargeysku sheegay in Golaha sare ee Midowga Yurub ay ku andacoonayaan in aanay waxba ka ogeyn xaaladahan bani’aadamnimada ka baxsan, iyo in masuuliyiinta golahani ay caddeeyeen in aanay haba yaraato ee  waxba kala socon falal dib u celin ah oo dhacay, waxase uu hoosta ka xariiqay in haayadda qaramada Midoobey u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR ay qirtay in ay jirto dib u celintan sharciga baal-marsani.