Muqdisho(Geeska)-Dawladda Somaliya ayaa weerarkii xeebta Liido ee khamiistii u qabatay nin magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Muuse Axmed oo lagu sheegay ninkii ka dambeeyay weerarkaas.
Telefishanka Universal ayaa xalay baahiyay inkastoo laamaha ammaanka dawladda Somaliya ay xaqiijiyeen in hal nin ay u qabteen weerarkii Xeebta Liido, oo aanay magaciisa sheegin ayaa xogo uu telefishanku helay wuxuu magaca ninkaas ku tilmaamay Ismaaciil Muuse Axmed.
Sida uu telefishanku sheegay Ismaaciil Muuse Axmed ayaa noqday qofka qudha ee loo qabtay
weerarka uu dhiigga badani ku daatay, waxaanu telefishanku sheegay in Ismaaciil haysto dhalashada dalka Holladn, waxaanu Tvgu sheegay inuu horkacaayay weerarkaas, laakiin ma raacin sida loo qabtay.
Geesta kale
Wargeyska Netherlands Times ee ka soo baxa dalka Holland ayaa qoray in Ninkii ka dambeeyey Weerarkii Xeebta Liido uu yahay Nin Somali ah oo haysta Dhalashadda dalka Holland.
Weriye Madax-bannaan oo lagu magacaabo Harald Doornbos, kana faallooda Arrimaha Dagaalladda ayaa sheegay in Ninkii ka dambeeyey Weerarkaas lagu magacaabo Ismaaciil Muuse Axmed laguna qabtay Muqdisho.