Somaliland Student Assembly

0
620

Article:   child Ambastor                                            Date: 5 may 2016

Background:

Mashruucani waa mid socday mudo shan bilood ah waxa aanu mashruucani xooga saarayaa wacyi galinta talaalka oo la doonayo in la xoo jiyo.

1

M/jeex waxay ka mid tahay gobolada ay ku badan tahay dhimashada ciyaalka iyo hooyooyinka u dhimanay xiliga uurka, wax yaa baha waa weyn ee sababikaraa waa adeega caafimaad oo aan ku filnayan iyo wacyigalin aan ku filnayn sidaas awgeed wax adkaatay in la dhamaystiro talaaladii loo baahnaa.

Talaalku waxa uu faa’ido u leeyahay hooyada iyo dhalaanka. Talaalka waxa uu ka hortagaa cudurada dilaaga ah sida

1. Dabaysha

2. Jadeecada

3. Xiiq-dheerta

4. Cagaarshawga

5. Qaaxada

6. Teetanada    iyo wixii lamid ah

Waxa waalidka saran xil ah in ay talaalaan ubadkooda dhamaystiraan si looga hortagi karo cudurada dilaaga ah waayo cudurada qaar wax ay leeyihiin kahortagaqaarana waxa ay leeyihiin kadabo tag kuwa kadabo tag lahayn waxa ka mid ah (polio).

U jeedada mashruucani waa mid ku salaysan wacyigalinta talaalada oo soo noq-noqonaya waxaana laga bilaabay gobolada M/jeex iyo Tog-dheer kasoo ka socda dugsiyada  hoose/ dhexe.

Sidaas awgeed waxa ka shaqeeya 40 iskuul waxa laga sii doortay 10 arday  iskuul walba oo la doonayo in ay noqdaan ku wa abaabulaya siina kordhinaya wacyigalinta talaalka bulshada in teeda kala duwan sida waalidiinta , ardayda, maclimiinta,iyo dhammaan wax garadka oo dhan. Waxa laga doortay hal arday iskuul kasta oo lagu magacaabo (childAmbastor)  si uu u noqdo safiirka 10 kan ardayda uu na gaadhsiiyo fariinta halkii looga baahnaa .

Ahmed Jaamac Diiriye:

Ardaygani waxa uu ka mid yahay ardayda (child Ambastor) waxa uu faalo kabixinayaa tobobarkii lasiiyeye iyo sida uu ugu gudbiyey bulsho weynta kala duwan iyo waxa yaabaha uu ka faa’iday inta uu mashruucani socday waxa aanu idhi sidan.

“Waxa aan u arkaa hawshan la ii diray in ay tahay masuuliyada i saran oo aan gaadhsiiyo dadka kale ee aanay gaadhin fariintan caafimaad una baaqo in uu yahay talaalku yahay ka hortaga cudurada dilaaga ah.Mashruucan waxa aan ka faa’idaya inta uu socday bartayna talaalku waxa uu yahay , waxa uu ka hortago iyo sida uu jidhka uga difaaco xanuunada”.

Waxa kale oo aan bartay cudurada dilaaga ah ee ay kamidka yihiin DABAYSHA, JADEECADA, QAAXADA,XIIQ-DHEERTA, TEETANADA iyo goorta laqaato talaaladan.

Waxa kale oo aan ka faa’iday is dhexgalka iyo sida loo wada shaqeeyo koox-koox.

Fahiima Hussen Warsame:

Fahiima waa ardayad ka mid ardayda (child Ambastor) waxa aanay waxa ka sheegaysaa sida ay u argto hawshan loo igmaday iyo waxa yaabihii ay ka bartay inta uu socday mashruucu.

Waxa ay ku biloowda sidan.

“ Anigoo ah ardayda ka mid ah ardayda loo xilsaaray in ay hawshan siiwadaan gaadhsiiyaan fariintan caafimaad bulsho weynta kala duwan waxa aan u arkaa tobobarkayagii dabadee hawal culus oo i saran taasoo naloo toobabaray arday caafimaad waana hawal u baahan in la fuliyo waayo waxa ay la xidhiidhaa caafimaadka bulshada, waxa aanu xooga saaraynaa hooyooyinka iyo dhalaanka waayo waa bulshada tiirkeedii.”

Haddii aan waxa katilmaamo waxa yaabihii aan ka barnay waxa ka mid ah talaalku waxa uu yahay ,goorta laqaato iyo in ay hooyooyinku ay qaataan talaal xiliga uurka.

  Wax yaabaha uu qabto waxa ka mid ah:

1. In ay noqdaan wakiilada ardayda

2. In ay is dhexgal bulsho

3. Afyeen caruurta/soona bandhigi karaan wax yaabaha kamaqan caruurta

4. Si dhibyaraan ugu gudbinkaraan goloyaasha guurtida

5. Gaadhsiiyaana fariintooda meel.