Hargeysa(Geeska)-Prof.Axmed Ismaacil Samatar ayaa madaxweynayaasha Somaliland iyo Djibouti ku tilmaamay kuwo fayow oo karti u leh inay iska ilaaliyaan inay labada wadan isku dhacaan, arrimaha DP world darteed.
Waxa uu Axmed Ismaacil Samatar ku tilmaamay maalgalinta dekeda Berbera mid abuuray nolol iyo horumar, waxaanu dhaaliilo xoogan u soo jeediyay Somaliya oo uu ku tilmaamay mid hadal uun haysa oo aan gabi ahaanba talin. Prof.Axmed Ismaacil Samatar ayaa sidan ku sheegay waraysi uu si adag ugu difaacay awooda ay Somaliland u leedahay inay dhulkeeda ka taliso oo uu la yeeshay Telefishanka Universal, waxaanu ugu horayn isagoo ka jawaabaya in heshiiska saddex geesoodka ahi hirgeli karo iyo in kale, uu yidhi “Waabu hirgalay oo waa uu socdaa, marka aad wadan ka taliso ee ilaa Lawyacado, Ceerigaabo, Kismaayo,Ceeleeyo iyo Boosaaso aad ka taliso, oo xukuumadaadu fadhido oo badhasaabkii iyo maayarkii iyo askartii iyo qawaaniintii ay taagan tahay, siday ahaan jiray ilaa 1991-kii markay Somaliland baxday taasi haddii ay jirto waxa la odhan kari lahaa waa wax dadka qancinaaya, taasi ma jirto oo dawlada Xamar ka talisaa ma jirto meel kale oo ay ka taliso oo aan ahayn Xamar iyo hareeraheeda oo laysku haysto, aduunyadu inay wali ku dhagsantahay wadajirkii soomaalidu 1960-kii, dheecaankeedii iyo marinkeedii waa uu sii socdaa, laakiin runta dhulka taalaa ee qof waliba uu soo taaban karo, dawlad cusub ayaa Somaliland ka dhalatay oo u gooni ah 1991-dii, arinta taagani waxa weeye ma aha Somaliya ma aqoonsantahay Somaliland, waxa taagan waa sidee ay Somaliland uga iibinaysaa gobanimadeedaas ay dib u soo ceshatay aduunyada inteeda kale, taasi waa arin weyn u taala karti Somaliland inay aduunka ka iibiso gobanimada ay la soo noqotay.”
Prof.Axmed Ismaacil Samatar oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Anaga haddii aanu nahay dadka reer Somaliland ujeedadayada ugu weyn waxa weeye dalkayagii oo gobanimadiisii la soo noqday in badhaadhe, dhaqaale,waxbarasho,caafimaad iyo siyaasada dibadaba inaan ka shaqayno, arinta dhaqaalaha marka aad eegto cidna kuma murmayso inay Berberi tahay magaalo iyo furdad ku taala Somaliland oo dadka Somaliland iyo dawladeedu ay leeyihiin, waxa laga doodayaa waxa weeye baayacmushtarka ka soo baxaaya Berbera ama dekeda la balaadhinaayo ama goobo dhaqaale oo laga agfuro hanoqotee in ganacsigaas la abuurayaa uu noqodo mid khayr u keena Somaliland, Somaliland maanta awood uma laha inay keento malaayiin doolar si ay fursadaas dekeda u keento markaas reer Somaliland waxay garteen inay adduunyada isku keenaan dhaqaale la galiyo oo halkaas wax ka soo saaro, UAE kanbaniga fadhiya ee DP World la yidhaahdo xoolo badan ayay leeyihiin, waxaanay la yimaadeen inay xoolo badan halkan galiyaan taas oo awood u siisay inay 51% qaataan,inay Somaliland 30% qaadato, Itoobiyana 19 la siiyo. Suaashu waxa weeye Somaliland maxaa ka soo galaaya, waxa ka soo galayaa waxa weeye Itoobiya hadaad daristo dhaqaalaha ay dunida la leedahay, waxay aduunyada u dhoofiso iyo waxay ka soo dhoofiso waxa lagu qiyaasay inay tahay ugu yaraan 19 bilyan oo doolar, mar haday Itoobiya tahay dal xidhan oo aan bad lahayn waa inay heshaa meel ay xoolahaas ka dirto oo ay ka soo dajisato Somaliland hadday dekedeedii sidaas u hagaajisato, maanta Itoobiya waxa ka taga ee Berbera tagaa waa wax aan 2% ka badnayn, waxaad xisaabisaa haddii wadadaas si wanaagsan loo dhiso dekediina la balaadhiyo oo dad badan ay shaqo ka helaan oo kaas 20% la gaadhsiiyo waa bilyanis doolar anagu waxaanu ka fikiraynaa dhaqaale ahaan waxa halkaas ka soo galaaya dadkii wadankiina adiga ayaa leh oo maguurayo.”
Prof.Axmed Samatar oo ka hadlaaya dhaqaalaha Itoobiya iyo inuu ku filan yahay Somaliland iyo Jabuutiba waxa uu yidhi”Itoobiya dhaqaalaheedu waa ka ugu korniinka badan Afrika oo dhan,10% kiiba inuu sanadkii ku kordho dhaqaalaha Itoobiya ayaa laga hadlayaa waxay u baahantahay dhul kale oo ay xoolaheeda ka dirto, haddii jabuuti lagu daayo kuma filnaan karto oo boqol milyan oo qof ayaa ku nool dhaqaalaheeduna waa ka Afrika ugu korniin badan waxayna u baahantahay meelo kale,waana ay dhici kartaa in ay Jabuuti is fahan la’aani ka dhacdo, aniguse waxaan ku kalsoonahay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo ka Jabuuti labaduba inay karti u leeyihiin maskaxdooduna fayowdahay oo ay awoodaan inay iska ilaaliyaan labada dal in aanay isku dhicin, waana laba dal oo aad iyo aad isku dhex galay oo dadkoodu ay isku mid yihiin oo neeftooda iyo dhididkoodu uu is ogol yahay, ma filaayo hadii ay dhibaato timaado in aan degdeg wax lagaga qaban karin.”
Waxa uu tilmaamay in aanay dunidu marna khasbi karin Somaliland”Somaliland aduunyada oo dhami haddii ay isugu tagto ma ku qasbi karto wax aanay ka raali ahayn, Somaliya haddii ay hayso dood Somaliland ha soo horfadhiisato iyada oo adduunka oo dhami uu wada arkaayo, anigu waxaan qabaa in maalinta ay doodaasi si dhab ah u timaado in Somaliland ay ku adkaanayso”
Ugu danbayntii baarlamaanka Somaliya ayuu ku tilmaamay Prof.Axmed Ismaacil Samatar mid warkiisu hadal uun ku eeg yahay “Baarlamaanka Somaliya awoodiisu halkay taalaa, inta Xamar la fadhiisto haddii hadal lagu hadlo waa caadi, mid aaan ku celcelinayaa waxa weeye dadka reer Somaliland iyaga ayaa is xukuma, waa ay xoroobeen oo talada dalkooda cida goynaysa waa ay la soo noqdeen, doorashooyinkaas waa kuwa ka soo baxay, hadal Muqdisho laga yidhi waa la maqli, Somaliya haddii ay dood hayso car aduunyadu iyada oo arkaysa halaysa soo hor fadhiisto.”